Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay
magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ku
tagayo safarkiisii ugu horeeyay. Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro
booqasho rasmi ah oo uu ku joogo dalka Imaaraadka waxa uu kulamo kala duwan la
qaadan doonaa madaxda dalkaasi, si kor loogu qaado xiriirka taariikhiga ah ee
Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa madaxda Imaaraadka kala hadli
doona xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wax soo saarka
leh ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo dhaqaalaha, ka dib markii
uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed
bin Siciid.
President @HassanSMohamud arrives in Abu Dhabi, #UAE for his first overseas trip. During the two-day official visit, the President will hold wide-ranging discussions with the leaders of the UAE to further strengthen the historical ties between #Somalia and #UAE. pic.twitter.com/I33CWs8Bhd
— SNTV News (@sntvnews1) June 19, 2022
Comments
Post a Comment