Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka ka furmay dhammaan gobollada dalka.
Imtixaankan ayaa u fadhiistey arday tiradoodu gaarayso
35,000 oo arday, ayaa waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada
iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba Raisul wasaaraha kula dardaarmay
inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xasuusiyay in mustaqbalkoodu uu gacantooda ku jiro, loona baahan yahay in ay u diyaar garoobaan sida uu noqon doono mustaqbalkooda, iyo sidoo kale doorka ay ka qaadan doonaan nolosha.
PICTURES: PM @MohamedHRoble has on Saturday unveiled the Unified National Secondary School Exams in #Mogadishu. The Exams are also taking place in Regional States.#Somalia pic.twitter.com/OxKoPsPsT6
— SNTV News (@sntvnews1) June 18, 2022
Comments
Post a Comment