Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Shirkii Golaha wada-tashiga qaranka oo soo dhamaaday.

Shirkii Golaha wada-tashiga qaranka oo soo dhamaaday.
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay shir labo maalmood socday. Shirka oo uu, isugu yeeray MadaxweynahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka soo qaybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Hadafka ugu weyn ee shirka ayaa ahaa in la sii qoto dheereeyo geeddi-socodka iskaashiga iyo wada-tashiga si niyad-sami iyo kalsooni ku jirto, iyadoo la raacayo hal-ku-dhiggii Madaxweynaha ee ahaa “Heshiiska Soomaaliyeed”. Goluhu wuxuu go'aamiyay mudnaanta wada-hadalka siyaasadeed ee muddada cusub ee 2022-2026.

Goluhu waxa ay bogaadiyeen sida degdega ah ee uu madaxweynuhu isugu yeedhay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, kaas oo uu ku sameeyay go’aan siyaasadeed iyo waxqabad dhab ah. Goluhu waxa kale oo ay balan qaadeen inay si niyad sami ah ula shaqayn doonaan Madaxweynaha.

Ka akhriso warqada halkan ku lifaaqan

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaadan madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta. Ra’iisulWasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u safray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axadii, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigiisa ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ujeedkeedu yahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. pic.twitter.com/vCMsJU3u2I — SomaliPM (@SomaliPM) January 30, ...

Ubuntu & Imaaraadka Carabta: Aragtida Soomaalida

  Ubuntu & UAE: Aragti Soomaali ah Annaga oo ku sugan Soomaaliya, fikraddani waxay si qoto dheer u taabanaysaa sababtoo ah shaqada Imaaraadka Carabta waa sheeko aasaasi ah oo qoyska Soomaalida ah. Lacagaha laga soo diro qurba-joogtayada ka shaqeysa Dubai iyo guud ahaan Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer ku tiirsanaa qoysaskeenna ku nool dalka, taasoo abuurtay xiriir dhaqaale oo aan la jabin karin oo ka baxsan dhaqanka dawladda ama is-gacan-qaadka diblomaasiyadeed. Marka laga reebo shaqada, waa taageerada la taaban karo ee dhulka lagu bixiyo inta lagu jiro dhibaatooyinka cimilada ee daran taas oo caddaynaysa isku xirnaantan. Marka abaaro ba'an ay burburiyaan gobolkeenna, rarista cuntada ee Imaaraadka Carabta, xarumaha caafimaadka ee guurguura, iyo gargaarka biyaha nadiifka ah ayaa ah marinnada nolosha ee muhiimka ah ee bulshooyinkeenu si cad u xasuustaan ​​​​oo ay ku tiirsanaadaan si ay u noolaadaan. Intaa waxaa dheer, iskaashigani wuxuu si firfircoon uga beddelayaa sheekada sa...

Raisul wasaaraha oo kullan la yeeshey wefdiga DFS ee Hague kusugan si hab fogaan araga ah.

  Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay wafdiga Dawlada Federalka Soomaliya si hab fogaan araga ah , ayaa ku dhiira galiyay wefdiga ka  qeyb galaya ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee dacwadda badda, isagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed guul. Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya. pic.twitter.com/ARra5mKTmQ — Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 10, 2021 ''Waxaan aniga iyo wefdi aan hoggaaminayaa soo gaarnay magaalada Hague, si aaan goobjoog uga noqonno go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya''. ayaa Mahdi Maxamed Guuleed,  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka  kuyiri bartii...

Guddiga Gaadiidleyda iyo Ganacsatada oo kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa galabta Magaalada Baydhabo kula kulmay Rugta Ganacsatada Koonfur Galbeed iyo Guddiga Gaadiidleyda Soomaaliyeed.  Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed looga dalbaday inuu wax ka qabto dhibaatada ay gaadiidleyda ku qabaan adeegsiga wadooyinka. Xubnaha Rugta Ganacsatada iyo Guddiga Gaadiidleyda ayaa walaac ka muujiyay lacagaha aan sharciga ahayn ee gaadiidka ganacsiga looga qaado wadooyinka. Cabdikariin Cabdulle Bariise (Gambo) oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa geba-gabadii kulankaasi ka warbixiyay waxyaabihii looga hadlay kulanka. “Anagoo uga soo safarnay Magaalada Muqdisho, rabna-na gaadiidka dhibaatada haysata illaa Gedo inaan u aadno wuxuu Madaxweynaha noo ballanqaaday dhibaatada gaadiidka wadadaasi marta ee lacagta looga qaado wax kastoo uga baahanahay inuu wax ka qabanayo, soona dhaweynayo gaadiidka Soomaaliyeed ee wadadaas mara inaa...

Privacy Policy