Wafuud heer caalami ah ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan xaflada caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wafdigan oo ay ku jiraan xubno horudhac ah oo ka kala socda madaxdooda iyo wakiiladooda ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Vicent Bamulangaki, Wasiirka Difaaca Uganda, ayaa
hogaaminaya safarka, waxaana sidoo kale qeyb ka ah saddex mas’uul oo kala ah:
Yaasiin Cumar Axmed, La Taliyaha Madaxweynaha Yemen, iyo Feysal Yaasiin, Isuduwaha
Guud ee Madaxtooyada. Sarreeye Gaas Maxamed Xasan oo ah Ilaalada Ra’iisul
Wasaaraha Masar ayaa ku sugan dhanka Masar. Gaashaanle Axmed Ibraahim Anwar oo
xubin muhiim ah ka ahaa hoggaanka sare ee dalka. Magaalada Muqdisho ayaa sidoo
kale gaaray wakiilo ka kala socda dowladaha Kenya iyo Bahrain, Ururka
Iskaashiga Islaamka (OIC), iyo Ibrahim Oha.
Wasiirka Amniga XFS Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur,
Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Soomaaliya, iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa garoonka
diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdiga caalamiga ah ee ka qeyb galay
xafladda caleema saarka Madaxweynaha JFS. Soomaali iyo mas’uuliyiin ka tirsan
Protocol-ka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Maalinta Khamiista ee 9-ka June ayaa lagu wadaa in
magaalada Muqdisho lagu qabto caleema saarka Madaxweynaha JFS Xasan SheekhMaxamuud.
PICTURES: Diplomats continue to land at Mogadishu’s Adan Abdulle International Airport to attend the inauguration ceremony of President @HassanSMohamud.#Somalia pic.twitter.com/J1rRI0Pj53
— SNTV News (@sntvnews1) June 7, 2022
Comments
Post a Comment