Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Kala-xirnaanta Marinka Hormuz: Khatarta ka dhalatay Go’aanka Iiraan iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Dunida

  Khatarta ka dhalatay Xiritaanka Marinka Hormuz iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Go’aanka ay dowladda Iiraan ku dhowaaqday ee ku aaddan in la xiray Marinka Hormuz ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo baqdin weyn oo laga qabo inuu khalkhal xooggan galo suuqa tamarta ee caalamka. Marinkani waa halbowlaha ugu muhiimsan ee loo maro dhoofinta shidaalka iyo gaaska dunida, waxaana maalin walba mara qiyaastii boqolkiiba labaatan ee sahayda shidaalka caalamka laga isticmaalo. Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa timid xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhaxaysa quwadaha reer Galbeedka, taas oo keentay in maraakiibta shidaalka qaada ay bilaabaan inay ka baaqsadaan maraan halkaas iyagoo ka cabsi qaba weeraro ama in la qafaasho. Saamaynta Dhaqaalaha iyo Qiimaha Shidaalka ee Dunida Khatarta ugu weyn ee ka dhalanaysa xiritaanka marinkan ayaa ah sare u kaca degdega ah ee ku imaanaya qiimaha shidaalka cayriin ee suuqyada caalamka, maadaama yaraanta sahaydu ay hors...

Xamse oo si rasmi ah ula wareegay xilka ra'iisul wasaaraha.

Xamse oo si rasmi ah ula wareegay xilka ra'iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska, isagoo xilka kala wareegay Hogaamiyihii hore ee xilka ka degay Maxamed Xuseen Rooble. 

Shaqada ugu horeysa ee laga rabo Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ah in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh oo wax badan ka qaban doona xaalada cakiran ee dalka ka jirta iyo muhiimada uu leeyahay maamulka cusub. 

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ansixiyeen 25 xildhibaan kadib markii uu Madaxweynaha u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Afrika Oo Iskaashanaysa: Dagaalka Laga Galay Xididka Argagixisada Iyo Doorka Muhiimka Ah Ee Kenya

  Go'aanka Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka iyo hoggaaminta geesinimada leh ee Madaxweynaha Muslimka ah ee Burkina Faso ee ka dhanka ah argagixisada Islaamka, waxay caddayn u yihiin in qaaradda Afrika ay si mideysan u hor istaagtay jihaadka caalamiga ah. Ikhwaanul Muslimiinka Iyo Mishiinka Aragtida Xagjirka Ah Tallaabada Kenya ee lagu mamnuucay Ikhwaanul Muslimiinka waxay si toos ah ula tacaalaysaa aragtida aasaasiga u ah kooxaha argagixisada ee gobolka. Ikhwaanul Muslimiinka ma ahan oo kaliya koox siyaasadeed, balse waa mishiinka aragtiyeed ee ka dambeeya Al-Shabaab, Boko Haram, iyo xagjirayaasha kale ee dhibaatooyinka ka wada qaaradda Afrika. Fikradda Ikhwaanka ayaa ah tan siinaysa kooxaha argagixisada awood ay ku: Xasillooni darrada ka wadaan dalalka. Ka faa’iidaystaan faqriga si ay u qoraan xubno cusub. Dhalinyarada ka dhigaan xagjir iyagoo ka faa’iidaysanaya shucuurta diiniga ah. In la mamnuuco Ikhwaanka waxay la macno tahay in la gooyo xididka aragtiyeed e...

Privacy Policy