Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, halkaas oo uu ka bilaabay safarkiisa. Booqashadiisa ayaa la xiriirta sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka dhexeeya qarankeena iyo qaar ka mid ah dowladaha dariska ah ee gobolka iyo xaqiijinta heshiiska Soomaaliya ay la gashay dalalka deriska la ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil
Cumar Geelle, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, saraakiil ciidan,
saraakiil ka tirsan ciidammada qaranka, ayaa salaan sharaf ka qaatay
Madaxweynaha iyo weftigiisa, markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee
Ambouli International Airport ee dalka Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga
mahadceliyey madaxda iyo shacabka dalka aan saaxiibka nahay ee Jamhuuriyadda
Jabuuti sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen iyo martiqaadka heerka sare ah ee
ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, isagoo sheegay in socdaalkan uu bilow
wanaagsan u yahay dadaallada lagu horumarinayo labada dal. xiriirkooda. iyo
sidoo kale in la xoojiyo saldhigyada wadajirka dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeya
labada shacab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu
la kulmi doonaa walaalkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka
jeedin doona xarunta Baarlamaanka dalka Jabuuti. Waxay ka wadahadli doonaan
xaalada qarankeena iyo deegaanada ku xeeran, muhiimada uu leeyahay xidhiidhka
taariikheed ee labada qaran iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen kobaca iyo
xasiloonida deegaanka.
President @HassanSMohamud has on Saturday arrived in #Djibouti on official state visit where he was warmly welcomed at the Airport by his counterpart @IsmailOguelleh.#Somalia pic.twitter.com/GTGXyXmlzj
— SNTV News (@sntvnews1) July 16, 2022
Comments
Post a Comment