Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hagaajinta xiriirka labada dal.
Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud
ee dalka u jeediyay bulshada Soomaaliyeed, ardayda, iyo ganacsatada, isagoo
xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta
dhaqaalaha iyo maalgashiga, adkeynta amniga, shaqo gelinta dhalinyarada, iyo
horumarinta wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed.
Iyadoo diblumaasiyiinta labada dal ay iska
kaashanayaan horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in
Madaxweynaha Turkiga uu kala hadli doono dhibaatooyinka heysta shacabka
Soomaaliyeed, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga.
President @HassanSMohamud has met in #Ankara with Somali business community and diasporas in Turkey. They briefed the President on the situation of Somalis living in #Turkey, including business people and the students. #Somalia pic.twitter.com/n3rM3FdwnO
— SNTV News (@sntvnews1) July 4, 2022
Comments
Post a Comment