Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kula kulmay Suldaan Siciid Axmed. Suldaan Siciid Axmed waa ergayga cusub ee Finland u qaabilsan ilaalinta nabadda Geeska Afrika. Suldaan Siciid Axmed waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland.
Doorka dowladda Finland ee taageerada qorshayaasha dowladda ee ku
aaddan isku soo dhaweynta iyo nabadda ayaa ra’iisul wasaaruhu kala hadlay
sharci-dajiyayaasha. Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doorto baarlamaanka
Finland, Mudane Suldaan Siciid Axmed, ayaa dhawaan loo magacaabay xilka cusub
ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, isagoo u qaabilsanaan doona
horumarinta nabadda iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka Geeska Afrika.
PM @HamzaAbdiBarre has on Monday received at his office, @suldaansaid, a member of #Finland Parliament and special envoy for peace mediation of Horn of Africa.
— SNTV News (@sntvnews1) July 18, 2022
They discussed Finland's role in supporting Somali government's reconciliation program.#Somalia pic.twitter.com/eoTXUkISun
Comments
Post a Comment