Ruun-Nirgood, Soomaaliya – Saaka aroortii hore ayaa ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo ay garab socdaan ciidamada deegaanka, qaaday weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkaas guuleystay ayaa lagu burburiyay xarumo muhiim u ahaa kooxda, halka saldhiggii ugu weynaa ee deegaanka laga saaray gacantooda. Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada, ciidamada ayaa hadda wadaan hawlgallo lagu raadinayo xubno argagixiso ah oo ku firxaday duleedka degmada.
Tani waxay muujineysaa biseylka iyo isku-duubnida ciidamada Soomaaliyeed iyo shacabka oo garab taagan. Ma aha oo kaliya dagaal gudaha ah — waa halgan ay Soomaaliya uga jirto sugidda amniga gobolka iyo caalamkaba. Ciidamada qaranka ayaa dagaal ugu jira magac, dal iyo dad Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhowaan booqday furimaha dagaalka, ayaa dhiirrigelin xooggan u muujiyay ciidanka, taasoo kor u qaadday niyaddooda iyo geesinimadooda. Taageerada shacabka iyo dowladdu waa aasaaska guulaha joogtada ah ee laga gaarayo argagixisada.
Soomaaliya waxay u socotaa dhanka nabadda. Saldhig kasta oo laga xoreeyo argagixisada, iyo dagaalyahan kasta oo la raadiyo, waxay noo soo dhoweynayaan mustaqbal ammaan ah. Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidankooda waxay mar walba u taagan yihiin midnimo iyo guul.
Comments
Post a Comment