Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Warshadda Internetka ee Imaaraadka Carabta: Kor u qaadista Madaxbannaanida Dijitaalka ah iyadoo la adeegsanayo AI

  Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u bilaabay hindise cusub oo ku saabsan amniga internetka oo ku shaqeeya AI si loo xoojiyo madaxbannaanideeda dijitaalka ah ee qaranka. Iyada oo la soo bandhigay intii lagu jiray bandhigga shanaad ee Make it in the Emirates ee ka dhacay Abu Dhabi, Warshadda Internetka ee Imaaraadka Carabta waa iskaashi istiraatiiji ah oo tiknoolajiyad sare leh oo u dhexeeya Golaha Amniga Internetka ee Imaaraadka Carabta iyo CPX Holdings. Nidaamka deegaanka cusub wuxuu naqshadeyn doonaa, dhisi doonaa oo ballaarin doonaa barnaamijyada iyo nidaamyada amniga internetka ee horumarsan ee maxalliga ah   Waa maxay hindisaha cusub ee Warshadda Internetka ee Imaaraadka Carabta? Hindisahan waa mashruuc difaac oo horumarsan oo loogu talagalay in lagu dhiso nidaam internet oo madax-bannaan oo mustaqbalka diyaar u ah. Iyada oo adeegsanaysa injineernimada maxalliga ah iyo hal-abuurka AI, waxay higsaneysaa inay sugto kaabayaasha dijitaalka ah ee muhiimka ah ee qaranka si ...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa Golaha Ammaanka u direy caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

 

Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa Golaha Ammaanka u direy caddeymo muujinaya duqeymo Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay ka geysteen Gudaha Soomaaliya.

Danjiraha ayaa Golaha Ammaanka ka hor akhriyay cadeymaha ay heyso dowladda Soomaaliya ee la xiriira waxyeellada ay ka geysteen Ciidamada Cirka ee Kenya Gobalka Gedo. Taasi oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka hadashay qasaaraha soo noqnoqday ee diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan gudaha Soomaaliya, waxyeellana gaarsiisa dad shacab ah, laakiin waa markii koowaad ee ay xukuumaddu caddaymo geyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya oo muddo kala go’onaa ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa mid soo hagaagayaa, waxaana la ogeyn saameynta uu yeelan doono qoraalka ka dhanka ah Kenya oo ay dowladda Soomaaliya u gudbusay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Privacy Policy