Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul wasaare Roble oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Cabdullaahi Cosoble Siyaad.
“Eebbe ha u naxariisto Wasiir hore Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo maanta geeriyooday. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa oo uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.”
Eebbe ha u naxariisto Wasiir hore Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo maanta geeriyooday.
— Mohamed Hussein Roble (@MohamedHRoble) December 20, 2021
Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa oo uu ugu horreeyo madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ehelkiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. pic.twitter.com/QokD8OvLZL
Dr. C/llaahi Cosoble Siyaad, sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxa uu ahaa siyaasi muddo dheer soo hayay xilka wasiirnimo, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii federaalka.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raaajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid ahaa xilka Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta. Marxuumku, sidoo kale waxa uu door wanaagsan ku lahaa dadaalladii dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryay in Jannatul Fardowsa uu ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Cabdullaahi Cosoble Siyaad https://t.co/NPTSSUCitQ pic.twitter.com/k5Ftn3lUqk
— Radio Muqdisho (@RadioMuqdisho) December 20, 2021
Comments
Post a Comment