Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Masar iyo Norwey ay u soo magacaabeen Soomaaliya, Mudane Maxamed Al-saciid Axmed Al-baas iyo Mudane Gunner Andreas .
Danjiraha dalka Masar Mudane Maxamed Al-saciid
Axmed Al-baas ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday
dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdifataax Al-Siisi, isaga oo soo bandhigay dadaalka
uu ku bixin doono adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan Labada
Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.
Dhanka kale, Danjiraha Dowladda Norwey ee
Soomaaliya Mudane Gunner Andreas oo Madaxweynaha u gudbiyey warqadihiisa
aqoonsiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda mahad celin ku aaddan soo
dhoweynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu kala kulmay shacabka
iyo dowladda Soomaaliyeed.
H.E President @M_Farmajo accepts credentials from new Amb of Norway 🇳🇴 to #Somalia 🇸🇴 H.E Gunnar Andreas during a ceremony held @TheVillaSomalia. Pres. Farmaajo termed Norway a critical partner adding the advancement of our bilateral ties in all areas key Agenda for the gov't pic.twitter.com/kksGriDvvG
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) December 15, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha
Cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay
Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Dowladaha Masar iyo Norwey, isaga oo
Madaxweynuhu la wadaagey Safiirrada guulaha la taaban karo iyo horumarrada
ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga,
dhaqaalaha, dayn cafiska, la dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska
Ciidamada Qaranka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.
Comments
Post a Comment