Guddigadoorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa shaaciyay qabashada doorashada 10 kursi oo ka tirsan kuraasta xildhibaanada Golaha Shacabka ka soo gelaya deegaanada maamulkaas.
Waa
kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka ee Puntland ay shaacisay inay
qabaneyso doorashadooda. Puntland ayaa galabta shaacisay inay ka qeyb
galeyso shirka Golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu
iclaamiyey, kaas oo Muqdisho ka furmaya 27ka bishaan.
Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble. Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”
Puntland unveils 1st 10 seats for the Lower House vote, joining Jubaland & the other 3 FMS began the election of their MPs in the 11th parliament. #Somalia failed to hold timely election due to the endless political rifts. pic.twitter.com/G30pCUQIQ8
— GAROWE ONLINE (@GaroweOnline) December 26, 2021
Comments
Post a Comment