Maxamed C/raxmaan Cumar oo ah Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay dood ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo looga hadlayay arrimaha bini’aadantinimada iyo musiibooyinka oo looga hadlayay xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado. u gargaarida dadka abaaruhu saameeyeen
Xoghayaha
Koowaad oo ka waramayay shirka uu ka qeyb galay ayaa yiri “Waxaan warbixin ka
siinay xaaladda Soomaaliya ee hadda iyo baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo
sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas beni’aadannimo ee hadda
taagan.”
Maxamed
C/raxmaan Cumar ayaa sidoo kale bogaadiyay Guddiga Abaaraha ee heer Qaran,
Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha dadaalka ay ugu jiraan taakuleynta
dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Qaramada Midoobey oo warbixin laga siiyay xaaladda Abaaraha ee dalka https://t.co/U4GM3EAL4s pic.twitter.com/kgYyyTw5Ck
— Radio Muqdisho (@RadioMuqdisho) December 11, 2021
Comments
Post a Comment