Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta xilalkii u kala wareejiyey Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Garsoorka (Jaamac) Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Wasiirka Gaashaandhigga, halka Xasan Xuseen Xaaji loo magacaabay Wasiirka Cadaaladda.
Ra’iisul WasaarahaXukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wasiirka cusub ee Caddaalada Mudane Xasan Xuseen Xaaji pic.twitter.com/nfpXwcYER9
— SomaliPM (@SomaliPM) December 30, 2021
Comments
Post a Comment