Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo IskaashigaCaalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho
Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya, Mudane FEI Shengchao, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka
laba geesoodka ah iyo wax-wada-qabsiga Labada Dal.
The Minister of Foreign Affairs, Abdisaid Muse has on Saturday received in his office #China’s ambassador to #Somalia, FEI Shengchao. They discussed ways to enhance and strengthen further the bilateral relations between the two countries which will be of mutual benefit. pic.twitter.com/sgQxWxkxGJ
— SNTV News (@sntvnews1) December 4, 2021
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu
saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha, iyo sidii Labada Dal ay isaga kaashan
lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhaqaalaha si
looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee Labada Shacab ee saaxiibbada ah.
Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha dowrka ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Comments
Post a Comment