Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Adam Abdelmoula oo ugu yimid booqasho sharafeed.
Wasiirka iyo ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo dadaallada lagu xoojinayo heerarka gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, @4rukun, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka QM u qaabilsan🇸🇴, ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani'aadannimada @UNSomalia, Mudane Adam Abdelmoula, oo booqasho sharafeed ugu yimid.
— Wasaaradda Arrimaha Dibadda 🇸🇴 (@MFASomalia) December 6, 2021
đź”—➡https://t.co/v12sFQRpQX pic.twitter.com/yh3aRquTT7
Comments
Post a Comment