Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo furay Shirka Ansixinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Beeraha.
The Minister of Agriculture and Irrigation, @Saidhuseniid has on Sunday opened in #Mogadishu meeting on #Somalia’s agricultural development strategic plan of 2021-2025. pic.twitter.com/L7tXWvkhBW
— SNTV News (@sntvnews1) December 12, 2021
Sida uu sheegay Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Yaasiin Cartan, diyaarinta istaraatiijiyadan muhiimka u ah dalka waxa ay soo socotay muddo lix bilood ah, isla markaana soo martay heerar kala duwan. Wuxuu ka codsaday ka qaybgalayaasha inay fikradahooda ku biiriyaan istaraatiijiyadan muhiimka ah, gaar ahaan beeralayda qaybahooda kala duwan.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka C/llaahi Sheekh C/casiis iyo Professor Xuseen Iimaan oo kulanka ka hadlay ayaa kula taliyay in diiradda la saaro sidii loo dhaqan gelin lahaa Istiraatiijiyadda Horumarinta Beeraha si dalka looga caawiyo kor u qaadida wax soo saarka iyo ka shaqeynta sugnaanta cuntada.
Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka oo ugu horeyn shirkan furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la taageero beeralayda, isla markaana wax soo saarka dalka kor loo qaado si looga hortago abaaraha soo noq noqday ee sameyn weyn ku yeeshay nolosha dad badan.
Comments
Post a Comment