Dowladda UK oo Soomaaliya ugu deeqday 10 milyan oo dollar oo loogu talagalay dadka Abaaraha saameeyeen
Dowladda UK ayaa Soomaaliya ugu deeqday in ka badan10 milyan oo dollar oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka abaaraha saameeyeen
Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vicky Ford ayaa maanta ku
dhawaaqday in 10.7 milyan oo dollar ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed,
lacagtan ayaa qeyb ka ah 22 milyan oo dollar oo dowladda UK ugu deeqday
dalalka; Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Suudaanta Koofureed oo abaaro ba’an ka
jiraan xilligan.
War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya
ayaa lagu sheegay in ku dhowaad 500,000 oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin
in laga caawiyo helitaanka biyaha iyo cuntada si naftooda loo badbaadiyo isla
markaana loo yareeyo khatarta macluusha ka dhalan karta abaarta.
Go’aankan doweladda UK ayaa yimid xilli wasiirka Afrika ay
safar ku marayso dalka Kenya safarkaas oo qeyb ka ah socdaal ay ku marayso
sadex dal oo ku yaala Afrikada bari.
Lacagtan ayay dowladda UK ku sheegtay in qoysaska abaaraha
saameeyeen la siin doono si ay ugu iibsadaan cuntada iyo waxyaabaha kale oo ay
u baahan yihiin.
The UK’s Minister for Africa, Vicky Ford MP, has on Monday announced a $10 million package of UK support for Somali people affected by extreme drought. The funding will provide vital assistance such as cash and water to help vulnerable families across the country.#Somalia pic.twitter.com/lycgSZliup
— SNTV News (@sntvnews1) January 17, 2022
Comments
Post a Comment