Maanta ayaa la filayaa MagaaladaBaydhabo in ay ka bilaabanto diiwaangelinta shan kursi oo la shaaciyay in
toddobaadkan lagu dooranayo magaalada Baydhabo. Ku dhawaad 241 xildhibaan ayaa
la doonayaa in mudada u dhaxeysa 15 bisha Janaayo iyo 25-ka bisha Febraayo lagu
soo doorto, xilli horay loo soo afjaray doorashada Aqalka Sare.
Dowladda Maraykanka ayaa
baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeshey hanjabaad ka dhan
ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa
haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga
loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned
Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri "Mareykanka wuxuu diyaar u yahay
in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku
galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee
carqaladeyn karo hufnaanta doorashada"
#NEWS Wararkii u dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya by Mahad https://t.co/gyM1hQE34N pic.twitter.com/35DjgmLoez
— Jowhar.com (@Jowharcom) January 15, 2022
Comments
Post a Comment