Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), GuddoomiyahaGolaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kormeeray dhismaha rasmiga ah ee Golaha Shacabka oo dhawaan la bilaabayo dhismahiisa. Gudoomiyuhu waxa uu ku soo wareegay guud ahaan dhismaha xarunta oo ay ka mid yihiin Hoolka, Dabaqa sare iyo xafiisyada kala duwan ee xarunta oo ay hadda ka hawlgalaan xafiisyo dhawr ah.
Ujeedka socdaalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu
ku tagay Xarunta Golaha Shacabka ayaa ah in si deg deg ah loo bilaabo dib u
dhiska xarunta Golaha Shacabka oo lagama maarmaan u ah howlaha kala duwan ee
Golaha.
Dowladda Turkiga oo ballan qaaday in ay dib u soo
celineyso xaruntan ayaa sheegtay in ay ka dhabeyn doonto balan qaadkeeda,
dhawaana ay bilaabi doonto howsha mashruucan. waxay awood u yeelan doontaa in
ay aragto sharciyada tirada badan ee Baarlamaanku ansixiyo. Xarunta Golaha
Shacabka ayaa hadda xarun u ah xarunta Villa Hargeysa, waxaana sidoo kale xarun
u ah Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
The Speaker of the House of People of Federal Parliament, Adan Madobe has on Sunday visited the Parliament building in #Mogadishu, where reconstruction and renovation work will be commenced soon.#Somalia pic.twitter.com/IfKXuUkWLd
— SNTV News (@sntvnews1) June 5, 2022
Comments
Post a Comment