Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay xeryaha barakacayaasha ee magaalada Baydhabo si uu ugu kuurgalo xaaladda nololeed ee dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Abaaraha daba dheeraaday, biyo la’aanta iyo aafooyinka argagixisada ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay Soomaalida iyo
caalamka intiisa kale in la caawiyo shaqsiyaadka ay saameeyeen masiibooyinka
dabiiciga ah iyo xaaladaha amni ee ka jira qaar ka mid ah gobolada dalka,
isagoo ku booriyay hay’adaha dowladda inay dardargeliyaan howlaha horyaalla.
Gurmadka abaaraha waa muhiim.
“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan
ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aynu haysanno
lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka
Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah
oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.”
President @HassanSMohamud said that the people in the camps have been severely affected by the drought, following his visit to drought- fled people in #Baidoa, on Wednesday. “ I am indeed saddened but I also pledged to take action” the President said.#Somalia pic.twitter.com/DvjRkV7nIw
— SNTV News (@sntvnews1) June 1, 2022
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda FederaalkaSoomaaliya ay muhiimad gaar ah siin doonto xalinta dhibaatooyinka
bini’aadantinimo ee dalka ka jira iyo sidii loo caawin lahaa shacabka
Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladdu
ay hadda u magacawday ergay gaar ah oo arrimahaasi ka shaqeeya. Arrimaha
gargaarka abaaraha waa in la is waafajiyaa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur GalbeedSoomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda
Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka
Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale ayaa
Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkiisa.
Comments
Post a Comment