Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, isagoo kala hadlay gurmadka abaaraha.
Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay ganacsatada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya in ay ka qeyb qaataan kobaca maalgashiga
dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuurka qaranka ee dhawaan lagu
dhawaaqay, isagoo ku amaanay sida ay uga qeyb qaadanayaan xoojinta
dowladnimada.
Ganacsato isugu soo baxay magaalada Muqdisho oo ka
qeyb galay caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu
hambalyeeyay guusha uu gaaray, waxa ayna balan qaadeen in ay ka qeyb qaadan
doonaan gurmadka abaaraha dalka ka jira.
President @HassanSMohamud has on Saturday received at @TheVillaSomalia the leaders of Somali business community in #Kenya and urged them to play their important role in contributing to the ongoing emergency response to the drought effected people in the country.#Somalia pic.twitter.com/Rdzg5xiKRf
— SNTV News (@sntvnews1) June 11, 2022
Comments
Post a Comment