Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada hadal dheer yeeshay.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay leedahay in la kobciyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labadooda dal.
Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay inay iska
kaashan doonaan horumarinta amniga, iskaashiga, iyo isdhexgalka dhaqaalaha si
labada dhinac looga wada faa’iidaysto, isla markaana loo qiimeeyo sidii loo
xoojin lahaa danaha wadaagga ah ee labada dal, jawaabna loogu heli lahaa
dhibaatooyinka ka jira gobolka. ka faa'iidayso fursadaha ka jira Geeska Afrika
iyo guud ahaan qaaradda.
President @HassanSMohamud who is on working visit in #Djibouti has on Sunday held talks with his counterpart @IsmailOguelleh. The two leaders discussed the common interests of the two brotherly & neighbouring countries. They assured the sustainability of the historic relations. pic.twitter.com/kjYt8NXTTP
— SNTV News (@sntvnews1) July 17, 2022
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku maamuusay
casho sharaf ay soo qaban qaabisay Madaxtooyada Jabuuti, waxaana ka qeyb galay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
iyo wafdigiisa.
Bilad sharaftii ugu sareysay ee ay bixiso dowladda
Jabuuti ayaa intii ay socotay casho sharafta lagu guddoonsiiyay Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu xusayay kaalintii uu ka qaatay
saaxiibtinimada labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga
mahadceliyey madaxda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti billadda sharafta iyo
martiqaadka heerka sare ah ee loo fidiyey. Waxa kale oo uu sheegay in
socdaalkani uu yahay bilow wanaagsan oo kor loogu qaadayo xidhiidhka dhaw ee
labada dal. iyo sidoo kale in la xoojiyo saldhigyada wadajirka dhaqan-dhaqaale
ee ka dhexeeya labada shacab.
#PICTURES: The President of #Djibouti @IsmailOguelleh has awarded Djibouti’s highest medal of honour to President @HassanSMohamud in a ceremony held at the Presidential Palace of Djibouti, on Saturday night.#Somalia pic.twitter.com/xgPJp4bdkD
— SNTV News (@sntvnews1) July 16, 2022
Comments
Post a Comment