Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha JFS oo khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay inay la shaqeeyaan ciidamada, sharcigana la ilaaliyo. Madaxweynaha, ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay naftooda ugu hurayaan suggida ammaanka habeen kasta.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in
dowladdiisa cusub ay ka go’an tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka Muqdisho
iyo guud ahaan dalka intiisa kale, iyadoo tallaabo adag laga qaadi doono
kooxaha argagixisada ah iyo burcadda hubeysan ee dhibaatada u geysta
shaqsiyaadka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay
tahay in waalidiintu ay ka daba tagaan kooxihii carruurta u soo qaaday weerarka
ka dib markii ciidamada ay xireen. Madaxweynaha ayaa waalidiinta iyo sidoo kale
laamaha amniga ku adkeeyey in qof dambiile ah aan loo radinin qabiil ee
sharciga la horkeeno.
BNSomalia: Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Amniga dalka https://t.co/F3Xg7Am9Kr #Somalia
— BNSomalia (@BRNSomalia) July 30, 2022
Comments
Post a Comment