Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Mudane Isaias Afwerki, Madaxweynaha Eritrea, ayaa booqday cutubyo ka tirsan ciidanka badda Soomaaliya oo halkaasi ku sugan. Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladda ciidamada badda ee Eritereeya intii ay tababarka u joogeen dalka, isagoo rajo ka muujiyay in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan sii socoshada howlgallada lagu sugayo amniga.
Ciidamada ayaa markii ay warbixin ka dhageysteen
qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka waxa ay xaflad soo dhaweyn ah
u sameeyeen Madaxweynaha JFS, waxaana Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay.
Madaxweynaha ayaa ciidamada u jeediyay dardaaran ku
saabsan tayeynta ciidamada qalabka sida iyo sugidda amniga qaranka isagoo ku
bogaadiyay sida ay ugu dhabar adeygeen tababarka iyo sida ay ugu heelan yihiin
difaaca dalkooda.
Si loo xaqiijiyo xoreynta qaranka, loogana dulqaado
khatarta argagixisada ee khatarta ku ah nolosha iyo horumarka, Madaxweyne Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux nuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay tayada iyo
dib u dhiska dalka Soomaaliya guud ahaan.
Speaking to cadets of Somali National Army who finished naval training in #Massawa, #Eritrea, President @HassanSMohamud commended their commitment and underscored the critical role they are expected to play in boosting Somalia’s naval security and capability.#Somalia pic.twitter.com/T32ENRvn77
— SNTV News (@sntvnews1) July 11, 2022
Comments
Post a Comment