Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Ankara, halkaasoo ay kula kulmeen koox ka tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, iyagoo salaan sharaf ka qaatay 21 jeer.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Recep TayyipErdogan, ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin
ballaarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo isdhaafsiga dhaqanka,
iyagoo dhanka kale caddeeyay inay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan xoojinta
xiriirka labada dal.
President @HassanSMohamud met with his counterpart @RTErdogan and discussed various issues of common interest including deepening cooperation in the areas of security, economy & cultural exchange, while reaffirming their commitment towards strengthening ties between the 2 nations pic.twitter.com/KL31rpFdoN
— SNTV News (@sntvnews1) July 6, 2022
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga, Erdoan,
ayuu ku sheegay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud
ahaan Afrika. Waxa uu sheegay in u ku faraxsanahay in aan u kuurgalno horumarka
la taaban karo ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyo badan. Waxa uu yiri "Waan
ku faraxsanahay inaan marqaati ka nahay horumarka baaxadda leh ee Soomaaliya ay
ka sameysay dhinacyo badan."
Addressing a joint press conference with Prez. @HassanSMohamud, #Turkish Prez. ErdoÄźan emphasized the importance of Somalia’s stability & security for the whole of Africa. “We are pleased to witness the significant progress Somalia has made in many areas” he said.#Somalia pic.twitter.com/zPoMOgWPnv
— SNTV News (@sntvnews1) July 6, 2022
Comments
Post a Comment