Abaar ku habsatay gobollada dalka ayaa sababtay in dadkii Soomaaliyeed ee reer miyiga ahaa ay uu ka dhamaado cawska iyo xoolihii. Wax soo saarka dalagga beeraha ayaa aad hoos ugu dhacay taasoo ka dhalatay saameynta ba'an ee abaartu ku yeelatay beeraha.
Abaartii ugu xumayd muddo afartan sano ah, sida ay
sheegtay Qaramada Midoobay. Inta badan dadka Soomaaliyeed waa xoolo dhaqato,
waxayna ku tiirsan yihiin xoolahooda, balse sida ay Qaramada Midoobay sheegtay,
in ka badan saddex milyan oo neef ayaa u dhintay abaarta dalka ka jirta. In ka
badan 805,000 oo qof ayaa ku barakacay abaarta, halka, rubuc milyan oo qof ay
halis ugu jiraan gaajo. 7.1 milyan oo Soomaali ah, ku dhawaad kala bar dadka,
ayaa la soo deristay cunto yari aad u daran.
Kaamamka ku yaalla degmada Dayniile, ayaa qaar ka
mid ah qoysaskii ka barakacay deegaanka Buulo-Warbo oo 140-km dhinaca
Koonfur-bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxay sheegeen in
ay la daalaa dhacayeen dhibaatooyin ay sheegeen in ay la soo darseen tan iyo
markii ay waayeen roobab ku filan muddo afar xilli ah. Waxay ku qasbanaadeen
inay Muqdisho u safraan gaajo darteed.
.@EPeterschmitt, the Director of @FAOSomalia has on Friday met with recently displaced pastoralists outside of #Qardho in Somalia’s #Puntland State. “ Drought has destroyed their livelihoods and they are now fully dependent on the goodwill of others” he said.#Somalia pic.twitter.com/n8TH1sSvOG
— SNTV News (@sntvnews1) July 8, 2022
Comments
Post a Comment