Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Dowlada Soomaaliya ayaa uga digtay ganacsatada inay ganacsi la sameeyaan Al Shabaab

Sida lagu sheegay bayaan ay wasaaraddu soo saartay Sabtidii , cid kasta oo lagu helo inay Al-shabaab xiriir la leedahay lagala noqon doono shatiga ganacsiga, lana marsiin doono tallaabo sharciga waafaqsan. Warqad ay wasaaraddu u dirtay ganacsatada ayay uga digtay in ganacsatadii u hogaansama awaamiirta argagixisada, isla markaana siisa lacag aan dib dambe loogu ogolaan doonin in uu ka howlgalo Soomaaliya.

"Shirkad kasta oo lagu helo inay dalacsiinayso ama ku lug leedahay xubno ka tirsan Al-shabaab waxay hantideeda oo ay ku jiraan hanti ma-guurto ah ay dowladdu la wareegayso."

Dowladda ayaa dadaal ugu jirto sidii ay u wiiqi lahayd dakhliga soo gala Al-Shabaab iyo baabi'inta isha dhaqaalaha ee qaraxyada iyo dilalka qorsheysan. Dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Al-shabaab, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Xafiisku waxa uu sidoo kale eegay milkiilayaasha ganacsiga ee lagu eedeeyay in ay u gudbinayeen macluumaadka macaamiisha hay'adda, waxaana uu ballan qaaday in uu dhawaan soo bandhigi doono natiijada ka soo baxday. Si lacagaha loogala baxo goobaha ganacsiga ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in afar shirkadood oo wax soo dajisa ay si dhow ula shaqeeyaan Al Shabaab.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan, ninka ganacsadaha ah inta uusan helin Konteenarka kasoo baxa China macluumaadkiisa, ayay kooxaha Shabaab helaan, waxaana la wadaaga arrinkaas oo aan haynaa saddex illaa afar shirkadood,” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Meheradahan ayaan la garanayn magacyadooda, hase yeeshee, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka codsaday wasiirka dekedaha in uu shatiyada ka qaado shirkadahaasi. Sidoo kale, wasiirka ganacsiga ayaa digniin kasoo saaray in shirkadaha lacagaha baadda ah siiya Al-shabaab ay halis ugu jiraan in la ciqaabo.

Digniintan la mid ah kan Nootaayooyinka Muqdisho ee la shaqeeya Al-Shabaab ayaa waxaa todobaadkii hore daabacday Dastuurka iyo Wasaaradda Cadaaladda. Wasaaradda ayaa sheegtay in shacabka ay u dacwoodeen saraakiisha ammaanka, iyagoo ku andacoonaya in Nootaayooyinka ay Shabaabka siiyaan xogta gaarka ah ee macaamiishooda. Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (XCS) iyo shuruucda kale ee ciqaabtooda ayaa lagu dabaqayaa cid kasta oo la go’aamiyo in ay caawisay argagixisada, ayaa hoosta laga xariiqay.

Si looga adkaado Al-Shabaab, Madaxweyne XasanMaxamuud ayaa shaaca ka qaaday in uu damacsan yahay in uu adeegsado xeelad cusub oo isugu jirta cadaadis dhaqaale iyo mid ciidan. Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey  in meel loo noqda aysan jirin kaliye  ay tahay in Alshabaab la babi'iyo.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy