Go’aanka dowladda Mareykanka ay cunaqabateynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka ka taageera Al-shabaab dhanka dhaqaalaha iyo agabka ayaa waxaa soo dhaweeyay dowladda Soomaaliya.
Tallaabada dowladda Mareykanka ayaa sida ay sheegtay
dowladda Soomaaliya waxa ay ka dhalatay baaritaanno ay si wadajir ah u
sameeyeen dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka. Waa qeyb ka mid ah dadaalka lagu
burburinayo Al-Shabaab iyo fakarkooda sida ay uga banaysteen dilka dadka aan
waxba galabsan.
Go’aankan ayaa sidoo kale imaanaya xilli wareegto
dhawaan kasoo baxday dowladda Soomaaliya oo looga digayay dadka inay lacag u
ururiyaan Al-shabaab. Ciidanka xooga dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliya
ayaa guulo la taaban karo ka gaaray la dagaalanka ururka Al-Shabaab.
Barta Twiter-ka Telefishank Qaranka Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowlada Soomaaliya waxey soo dhowaynaysa go’aankii ka soo baxay dowladda Mareykanka ee ahaa in cunaqabteen lagu soo rogo shaqsiyaadka ku kaalmeeya ururka Al-shabaab dhanka dhaqaalaha iyo saadka”.
The #Somali Government welcomes the decision of the #UnitedStates government to impose sanctions on individuals who financially and logistically support the terror- group of #AlShabab. pic.twitter.com/8UE1jg8T2L
— SNTV News (@sntvnews1) October 18, 2022
Comments
Post a Comment