Laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa Sabtidii ku qarxay afaafka hore ee wasaaradda waxbarashada oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof, 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday goobta uu qaraxu ka dhacay ka dib ayaa yiri “Dadkeennii la laayay waxaa ka mid ahaa hooyooyin carruurtooda gacmaha ku haya, aabbayaal cudurro caafimaad qaba, arday waxbarasho loo diray, iyo ganacsato la daalaa dhacaysay dhibaatadii ay ku dhacday nolosha qoysaskooda."
Death toll climbs to 100, over 300 hurt in the nasty bombings at Sobe junction, says president @HassanSMohamud, adding the fatalities likely to rise. "We will defeat and we already defeated this radical group," the Head of State said after visiting the site of the terror attack. pic.twitter.com/VcobTx3CgR
— SONNA (@SONNALIVE) October 30, 2022
Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas'uuliyadda
weerarka. Khawaarijta isku sheega Al-Shabaab ayaa inta badan ka gaabsada in ay sheegato weerarrada
ay dad badan ku dhintaan ama ku dhaawacmaan. Madaxweynaha ayaa sheegey
in khawaarijta ay ka dambeyso kadib markii looga adkaadey dagaalka. Madaxweynaha
ayaa balan ku qaadey in Oktobar kale dhici doonin Ilaahey idinkiisa.
Illaahay idin kii, Oktoober kale ma dhicidoonto. Dalka dagaal buu ku jiraa,oo saacadan aan idin la hadlayo dagaal baa socda. Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ayaa daba jooga Khawaarijta. pic.twitter.com/a5XT4lbv97
— Hassan Sheikh Mohamud (@HassanSMohamud) October 30, 2022
Qaraxii koowaad ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa
ka dhacay meel ku dhow isgoyska mashquulka badan, waxaana lagu weeraray xarunta
wasaaradda waxbarashada. Midda labaad ayaa dhacday iyadoo samatabbixiyeyaashu
ay isa soo tarayeen, waxaana goobta soo gaaray baabuurta ambalaasta si ay u
caawiyaan dadka dhaawacmay.
Mowjadda qarxa ayaa burburisay daaqadaha u dhowaa.
Meel ka baxsan dhismaha, laamiga waxaa qariyay dhiig. Weerarka ayaa ka dhacay
isla goobtii uu ka dhacay qarixii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara Soomaaliya,
kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 500 oo qof isla bishaan hore ee sanadkan
2017. Gaari xamuul ah ayaa lagu qarxiyay meel u dhow hotel mashquul badan oo ku
yaalla isgoyska K5, kaasoo ay ku hareereysan yihiin dhismayaal dowladeed,
maqaayado iyo dukaamo.
Madaxweynaha booqashadiisa ka dib waxa uu amar ku
siiyay maamulka in dadka dhaawaca ah oo qaarkood ay xaaladoodu liidato, si
degdeg ah loo daryeelo.
President @HassanSMohamud accompanied by ministers, police chief, the leader of Galmudug State & the Mayor of Mogadishu, visited the scene of Saturday’s heinous terrorist attacks in #Mogadishu. He instructed the cabinet to deliver emergency medical care to the wounded victims. pic.twitter.com/ZBVwYDwmMa
— SNTV News (@sntvnews1) October 30, 2022
Comments
Post a Comment