Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya oo Axaddii soo baxday, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku baabi’iyay Golaha Adeegga Garsoorka iyo Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, wuxuuna ku booriyay maamulka inay abuuraan Hay’ado kale.
Magacaabida Guddiyadan ayaa waxaa kal hore ka
horyimid Aqalka Sare, waxaana la sheegay in soo xulistooda aan loo marin si
waafaqsan Dastuurka. Madaxweynaha ayaa ku andacoonaya in go’aanka kala dirida
labada guddi uu gaaray ka dib markii la tixgaliyay warqadii ka soo baxday
Aqalka Sare ee ku taariikheysan December 12, 2021.
Madaxweyne Xasan Sheekh Xeer Madaxweyne ku baabi'iyey xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa. pic.twitter.com/rCZPlKBerw
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) October 9, 2022
Sida ku cad qodobada 71, 109A, iyo 112 ee DastuurkaKMG ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale qodobka 7aad ee xeer hoosaadka golaha
adeegga garsoorka iyo magacaabista guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa, waxa uu
sidoo kale faray dowladda in ay si deg deg ah u soo dhisto guddiyo dheeri ah. Sidoo
kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laalay go’aan kasta oo ay gaareen labada
dhinac.
President @HassanSMohamud has on Sunday disbanded the Judicial Service Commision, and the Anti-Corruption Commission in Presidential decree. The President instructed the cabinet to form these commissions in accordance with Article 71 of the constitution.#Somalia pic.twitter.com/zUQxhxBNdp
— SNTV News (@sntvnews1) October 9, 2022
Comments
Post a Comment