Jimcihii, magaalada Muqdisho, ayuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh kula kulmay Filippo Grandi, oo ah madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga. Madaxweyne Maxamuud iyo Filippo Grandi ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka jira iyo sidoo kale istiraatiijiyadda dowladda ee la dagaalanka argagixisada iyo barakicinta gudaha.
Madaxweynaha ayaa Hay’adda UNHCR ku ammaanay
kaalmada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku celceliyay in ka maamul
ahaan ay ka go’an tahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka. Istaraatiijiyadda
amniga ee dowladda waxaa soo dhaweeyay Filippo Grandi isagoo rajeynaya in ay
fududeyso gargaarka iyo dib u dejinta barakacayaasha gudaha. Waxa uu ballan
qaaday in uu sare u qaadi doono dhaqaalaha loogu talagalay abaaraha iyo
barakacayaasha Soomaaliya.
Sida uu sheegay Martin Griffiths oo ah madaxa
bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay, laba gobol oo ka tirsan Soomaaliya ayaa
laga yaabaa in sanadkan gudihiisa ay ka dhacdo macluul ka dhalatay abaarta iyo
dagaallada ka socda dalka. Waxa uu sheegay in hadii aan si weyn loo kordhin
dadaalada gargaarka ay gaajo ka dhici doonto gobolada koofurta iyo bartamaha
Soomaaliya ee Baydhabo iyo Buurhakaba inta u dhaxeysa bilaha October iyo
December.
Prez.@HassanSMohamud received @FilippoGrandi, the UN High Commissioner for Refugees. The President reiterated his government’s commitment to finding a lasting solution for IDPs affected by the drought, amping up the fight against terrorists & prioritizing political stability. pic.twitter.com/EvYqNTxemC
— SNTV News (@sntvnews1) October 21, 2022
Comments
Post a Comment