Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha DowladdaPuntland, ayaa bogaadiyay dadaallada ay shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan sidii ay uga sifeyn lahaayeen Al-Shabaab, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo ciidamada.
Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in shacabka
Soomaaliyeed ay uga gudbi karaan arrimaha amniga ee uu dalku ku jiro, haddii ay
iska kaashadaan oo ay hal meel wada istaagaan. Deni ayaa sidoo kale tacsi u
diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baladweyne ee
daba socday Al-Shabaab.
Waxa uu ku andacoodey in dadka ku nool deegaanada ay
maamulaan Al-Shabaab ay ku sugan yihiin xaalad aan wanaagsaneyn,islamarkaana
laga doonaayo in la iska kaashado sidii Al-Shabaab looga adkaan
lahaa,islamarkaana loo horumarin lahaa amnigooda iyo horumarkooda.
Hadalka Madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya xili
Puntland ay aad uga walaacsan tahay in kooxda Al-Shabaab ay kusoo dhex
dhuuntaan deegaanada Puntland, kadib markii ay kasoo carareen howlgalada ay ka
wadaan gobolada dhexe ee Soomaaliya. Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in
ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo baxsaday howlgallada
lagu xoraynayo gobolada dalka.
The President of #Somalia’s #Puntland State @HESaidADeni has commended the public uprising against Alshabab terrorists and called to toughen the operation. Mr Deni also extended his heartfelt condolences to the families of the victims of Monday’s terrorist attacks in #Beledweyne. pic.twitter.com/QZcJpPVxyB
— SNTV News (@sntvnews1) October 5, 2022
Comments
Post a Comment