Jimcihii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe qaran oo dhir beeris ah. Si loo kordhiyo kala duwanaanshaha noolaha, loo kordhiyo adkeysiga cimilada, loona joojiyo xaalufka dhirta iyadoo ay jiraan abaaro ba'an, Hindisaha Dib-u-celinta Qaran ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya in 10 milyan oo geed lagu beero guud ahaan dalka.
President @HassanSMohamud launched the National Regreening Initiative which aims to plant 10 million trees in #Somalia. “ I planted the first seedlings of a Tamarind tree as part of the efforts to increase biodiversity, climate resilience & reduce deforestation” the Prez. said. pic.twitter.com/I3bGdhvv7K
— SNTV News (@sntvnews1) October 21, 2022
Madaxweynaha ayaa beeray geedkii ugu
horreeyay ee tamarind ah. Wuxuu ku nuux-nuux saday qiimaha ay dhirtu u leedahay
ka hortagga abaaraha soo noqnoqda ee Soomaaliya soo maray sanadihii u
dambeeyay.
“Dad iyo deegaanba waxaa dhibaato weyn u geystay
masiibadii ka dhacday Soomaaliya, waxaan weynay noole oo ummaddeenna sumcadda
caalamiga ah siisay, Soomaaliya waa in ay dib u heshaa deegaanka oo ay kor u
qaaddaa fahamka bulshada ee daryeelka deegaanka, isla markaana ay dib u
dhiseyso hay’adihiisii."
Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in hay’adaha
dowladda ay hormuud ka noqdaan hindisahaas oo ay dhir ku beeraan goobahooda
shaqo iyo sidoo kale in shaqsiyaadka ay dhirta ku beeraan deegaankooda iyo
xaafadaha ay degan yihiin. Sidoo kale, wuxuu kula dar-daarmay haweenka
Soomaaliyeed, oo had iyo jeer door muhiim ah ka qaata ilaalinta deegaanka, inay
sii wadaan hoggaaminta dadaalka dalka.
Si loo sii wado dhiraynta xarumaha dowlad
goboleedyada, degmooyinka iyo gobolada dalka oo dhan, Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa ku amray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Deegaanka iyo
Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in 100,000 oo geed lagu
beero caasimadda labadan bilood ee soo socda.
Comments
Post a Comment