Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho todobaadkii hore in ka badan 300 oo culimo Soomaaliyeed ah ayaa waxa ay ku sheegeen in ay taageerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab. Golaha sare ee Culumada ayaa la aas aasay ka dib shir socday afar maalmood, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen culimadu.
Waa markii ugu horeysay muddo dheer culumaa’udiinka
Soomaaliyeed oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay u cambaareeyaan
fal-dambiyeedyada Shabaab. Culimada ayaa dooneysa inay gacan ka geysato dagaalka
lagula jiro Al-Shabaab.
Shirkan ayaa qeyb ka ah weerarrada saddexda jiho ee
dowladdu ku qaaday Al-Shabaab, kaasoo sidoo kale ku lug leh ka hortagga dacaayadaha
xagjirka ah iyo fulinta dhaq-dhaqaaqyo maaliyadeed iyo mid ciidan.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa markii uu soo xiray
shirka sheegay in ku dhawaaqista culumada ay wax badan ka tari doonto dagaalka
lagula jiro Al-Shabaab iyo ururada kale ee argagixisada. Waxa uu ku andacoodey
in ay tahay markii ugu horeysay ee uu arko dad badan oo culimo ah oo meel isugu
yimid oo bayaan ka soo saaray. Cadawga Al-shabab ayaa Culimaa’udiinka u
aqoonsadey in ay yihiin Khawaarij, wuxuuna Ra’iisal Wasaaruhu sheegay in uu ku
faraxsan yahay in dagaalka ay ku soo biiraan.
Shirkaas ayuu Sheekh Aweys Cabdi ku dalbaday in la
sameeyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab. "Kuwa ay dilaan oo ay qaraxyo la
beegsadaan oo ay gaalo ku sheegaan dhamaantood waa muslimiin, sidaas darteed
waa in lala dagaalamo," ayuu yiri. “Askari kasta oo dila Al-Shabaab ama ay
dilaan Shabaab waa shahiid”.
Tan iyo bishii July ee sanadkii hore, dowladda
Soomaaliya ayaa dagaal milateri kula jirta Al-Shabaab. Iyagoo kaashanaya
Maleeshiyo Beeleedyo, ayaa Ciidamada Dowladda ee Gobolada Dhexe waxa ay la wareegeen
deegaano dhowr ah, waxayna sheegeen inay dileen in ka badan 2,000 oo Shabaab
ah.
Takeaways of #Somali Religious Scholars conference in #Mogadishu. pic.twitter.com/DiZVOO6OCj
— SNTV News (@sntvnews1) January 27, 2023
Comments
Post a Comment