Khudbadii Madaxweynaha Soomaaliya oo uu ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo taabanaysa dhinacyo badan.
Sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya khudbad dheer uu ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee Garsoorka dalka, federaaleynta iyo maamul daadejinta dalka in ay si weyn u ilaalisay dowladdiisa. Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqday mid jawaab u ah eedeyn uu dhawaan u jeediyay Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland, kaasoo ahaa in dowladda federaalka ay dalka ku hogaamineyso dowlad dhexe.
I have today delivered a keynote speech at the Annual Judicial Conference. I emphasized the significance of the ongoing reforms to improve #Somalia's justice system & the drastic measures taken by the government thus far to integrate & federalize the country's judicial systems. pic.twitter.com/RqB4xbzhz2
— Hassan Sheikh Mohamud (@HassanSMohamud) January 11, 2023
Inta dowladda federaalka ay ka soo dhameystireyso dastuurkaas
oo afti dadweyne loo qaadi doono, Puntland ayaa war ay soo saartay Isniintii ku
sheegtay in ay iskeed isu maamuli doonto. Sida uu sheegay madaxweyne XasanSheekh, Soomaaliya waxay u baahan tahay dowlad qaran oo u adeegta awood
mideysan.
“Dalka in la federaaleeyo ma ahan in la kala tago oo
qolo waliba meeshay rabto iska aadi karto. Jamhuuriyad federal ah ayaanu nahay.
Wax walba oo taabanaya muwaadinka Soomaaliyeed, dowladda dhexaa masuul ka ah,”
ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulkiisa
uusan khilaaf kala dhaxeynin dowlad goboleedyada, taa badalkeedana uu doonayo
inuu ka caawiyo sidii ay u gaari lahaayeen hadafkooda horumarineed.
“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego
inaan furanahay. Albaab noo xiran iyo qaddiyad noo gaar ah ma jirto.
Soomaaliyada maanta joogta maxaa ku san ayaan ka hadlaynaa,” ayuu yiri Xasan
Sheikh.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay khubadiisa furitaanka
shirweynaha sanadlaha ah ee garsoorka Soomaaliya. Isagoo sheegay inay ka go’an
tahay in kalsooni la siiyo garsoorka dalka.
Comments
Post a Comment