Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen 12 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in Jimcihii, xilli ay caawinayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dowladda federaalka, ay 12 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dileen gobolka fog ee dalkaas.
AFRICOM ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku
sheegtay in duqeyntu ay ka dhacday meel fog oo 472 KM dhanka waqooyi bari kaga
beegan magaalada Muqdisho. Hoggaanka ayaa sheegay in "xididada
xagjirnimada ay u baahan tahay tallaabo ka baxsan xeeladaha militariga."
Tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu sannadkii
hore oggolaaday codsi ka soo baxay Pentagon-ka oo ahaa in askarta Maraykanka
dib loogu soo celiyo gobolka si ay ula dagaalamaan kooxda argagixisada ah ee
Al-Shabaab, Maraykanku waxa uu sii waday taageerada uu siiyo dawladdaSoomaaliya. Go’aanka lagu soo dirayo in ka yar 500 oo askari ayaa ka dhigan in
uu meesha ka baxay qorshihii maamulkii hore ee ahaa in ciidamada Mareykanka
laga saaro dalka.
Duqeymo badan oo ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen
deegaanka dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayaa lagu dilay xubno badan oo ka
tirsan Al-Shabaab.
Sida laga soo xigtay AFRICOM, Mareykanka ayaa duqeyn
ka fuliyay Soomaaliya bishii hore kaasoo sababay dhimashada ilaa 30 dagaalyahan
oo Al-Shabaab ah. Labo xubnood oo ka tirsan argagixisada ayaa lagu dilay weerar
uu Mareykanka fuliyay bishii Oktoobar, halka 17 dagaalyahan lagu dilay weerar
xigay bishii November. Sidoo kale, magaalada Cadale, lix dagaalyahan oo
al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay dabayaaqadii bishii
December.
Comments
Post a Comment