Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

FAO iyo Soomaaliya oo iska kaashanayo abuuritaanka qorshe hawleedka isbeddelka cimilada.

Soomaaliya iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO ee Qaramada Midoobay ayaa iska kaashanaya sidii ay Soomaaliya u soo geli lahayd dagaalka lagula jiro isbeddelka cimilada adduunka. Sida lagu sheegay bayaan ay FAO soo saartay habeenimadii Talaadadii, hadafka iskaashiga ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu waa in la abuuro qorshe hawleed qaran oo go'aamiya wax ku biirinta qaranka (NDC) ee heshiiska Paris.

Tabarucaadka Qaran ee loo soo gaabiyo NDC waa istaraatijiyad qeexaysa qorshayaasha Soomaaliya ee lagu dhimayo qiiqa hawada lagu sii daayo, lana jaanqaadi karo saameynta isbeddelka cimilada, iyo in laga caawiyo waddamada kale sida Soomaaliya si ay u helaan dhaqaalaha cimilada.

Lataliyaha guud ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) ee Soomaaliya, Rym Benzid, ayaa hadal uu xalay oo Talaado ah ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ku sheegay in “FAO ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka caawiso sidii ay u dhisi lahayd mustaqbal adkeysi leh oo ay wajihi karto isbedelka cimilada." "Waan ku faraxsanahay inaan kala shaqeyno dowladda horumarinta NDC, taas oo ah qayb muhiim ah oo dadaalkan ah."

FAO waxa ay sheegtay in inkasta oo Soomaaliya ay ka qayb qaadanayso hindisayaasha cimilada caalamiga ah sida heshiiskii Paris, haddana waa in beesha caalamku ay sidoo kale maal-gashi ku sameeyaan hab-nololeedyo adkeysi leh, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, la qabsiga cimilada, iyo xalalka mustaqbalka fog. Tani waxay dammaanad qaadaysaa la qabsiga mustaqbalka iyo barwaaqada da'yarta Soomaaliyeed iyo dadka sii fidaya.

"Maqnaanshaha kaalmada caalamiga ah, Soomaaliya waxay u taagan tahay inay sii nuglaato saamaynta cimilada isbedbedesha, iyadoo masiibooyinka dabiiciga ahi ay mustaqbalka khatar weyn ku yihiin sugnaanta cuntada iyo nolosha aadanaha," ayay tiri Hay'adda Cunnada iyo Beeraha.

C/llaahi Khaliif oo ah Xiriiriyaha Hay’adda NDC ee Dalka ahna La-taliyaha dhanka Siyaasadda ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay si dhab ah u qaadaneyso Waajibkeeda ku aadan ka qeyb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo isbeddelka Cimilada. Khariidaddayada waddooyinkeena si aan unoqonno mustaqbalka laqabsiga cimilada waxaa ka mid ah NDC. Waxaan u maleyneynaa inaan dammaanad qaadi karno kobaca dhaqaalaha iyo inaan taageerno hindisayaasha caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xalliyo khatartan saameynaysa qof walba," ayuu yiri Khaliif.

Sida laga soo xigtay FAO, waxay la kaashanaysaa dawladda Soomaaliya si loo kordhiyo awoodda qaybaha wax soo saarka si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada si loo kordhiyo adkaysiga cimilada. Si loo yareeyo saamaynta jahawareerka cimilada, waxa ay sidoo kale xoojinaysaa xog ururinta iyo habaynta awoodaha digniinta ugu horayso iyo talaabooyinka firfircoonida leh.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka qaaday Xubno ka mid ah FEIT soona saarey Awaamiir kusaabsan Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bogaadiinta   dadaallada Guddiga FEIT kadib kula dar daarmayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaataan shahaadadooda xildhibaannimo, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii xildhibaanada loo dhaarin lahaa si ay u gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegey in uu la socdo ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT . Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray 1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay   Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir 2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay  Mudane Xasan Cali Yuusuf Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah: 1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur 2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed 3. Cabdijabbaar Cabdullaa...

UK oo ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya lacag dheeri ah oo dhan £2.3 milyan.

Iyada oo qayb ka ah kaalmada dhinaca amniga ee ay siiso Soomaaliya, dawladda UK ayaa ogolaatay £2.3 milyan oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ciidamada milateriga Soomaaliya. Kulan ay Muqdisho kula qaadatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Kati Foster oo ah Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday kaalmadan lacageed. Si Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegto howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS sanadka 2024, UK waxa ay dowladda Soomaaliya kala kaashaneysaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka. Bishii May, Wasiirka Difaaca UK ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ammaanka dalka iyo xasilloonida gobolka ay sii kordhinayaan dadaallo iskaashi. Wasiirka ayaa sheegay in UK ay ka go’an tahay horumarinta xasiloonida gobolka oo ay ku jirto tan Soomaaliya. The Defence Minister @Amohamednur has on Wednesday met with #UK ambassador to Somalia @KFosterFCDO and discussed security cooperation between the two countrie...

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Safiirka JFS ee dalka Masar ayaa la kulmay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira.

Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta magaalada Qaahira ayaa kulan la qaatay Safiirka JFS u fadhiya dalka Masar. Mudane Ilyaas Sheekh Cumar. Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif, Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta Qaahira, isagoo kala hadlay arrimooyin dhowr ah. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarrada ay Soomaaliya siiso xaruntan oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha dawlada, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac iyo labadda shacab. Safiirka ayaa bogaadiyay shaqada ay qabato Xarunta Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Hormar waara. wuxuuna ku ammaanay Masar sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadanayso dib u dhiska Qaranka Soomaaliya.

Privacy Policy