Shir looga hadlayay dar-dar gelinta amniga caasimadda iyo sii wadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo waxyaabaha maanka dooriya, ayaa waxaa shir guddoominayay Wasiirka Amniga Maxamed Sheekh Cali Doodishe, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Axmed. Xuseen Jimcaale.
S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Hoggaanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka
Qaranka, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,
Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo
Hay’adaha kale ee Amniga Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xasilinta
Caasimadda ee Booliska Milateriga, Taliyaha Ciidanka Xasilinta Caasimadda ee
Booliska Milateriga, iyo masuuliyiin kale.
Doodaha ayaa inta badan diiradda lagu
saaray kor u qaadista wacyiga bulshada, maamulka hubka, iyo dardargelinta
fulinta awaamiirtii hore ee madaxda dowladda. Intaa waxaa dheer, hagaajinta
xiriirka ka dhexeeya dadweynaha iyo hay'adaha amniga ayaa xoogga la saaray.
Saraakiisha ammaanka ayaa
toddobaadyadii la soo dhaafay ku hawlanaa sidii loo kordhin lahaa ammaanka
caasimadda. Howlgallo badan ayaa laga sameeyay xaafado badan, taasoo keentay in
degmooyin badan ay xasillooni ka jirto.
Wajigii labaad ee ololaha ka dhanka ah
Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,
Xamse Cabdi Barre. Waxa uu sheegay in dhawaan la soo afjari doono dagaalka ka
dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle,
waxaana uu sheegay in tallaabadaasi wixii ka dambeeya ay ku wajahan yihiin
Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Comments
Post a Comment