Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo soo gaba gabeeyay Shir looga hadlayay Howlgallada Ciidamada iyo Xasiloonida Gobolada

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb, kaasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Somaliya iyo afar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa maanta oo Axad ah la soo gaba gabeeyay.

Ajandayaasha ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay diiradda ku saareen ayaa waxaa ka mid ahaa in taageero buuxda loo muujiyo ciidamada dowladda federaalka, sii wadida howlgallada ciidamada, xasilinta goobaha laga saaray maleeshiyaadka, dardar gelinta u diyaar garowga wejiga labaad ee duullaanka, iyo horumarinta wada jirka bulshada. ku nool degaannada laga xoreeyey malleeshiyada.

Goluhu wuxuu ku ammaanay ciidamada iyo maleeshiyaadka deegaanka guulaha muuqda ee ay ka gaareen dagaalka aan joogsiga lahayn ee Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Galguduud ee maamulka Galmudug. Madaxdu waxay bogaadiyeen doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaanadu heerka hoose iyo kuwa hooseba ka qaateen hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee uu Madaxweynuhu wado.

Horumar la taaban karo ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameeyeen markii ay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Inta badan, waxay sugeen ammaanka degmada Ceelbuur, oo qiyaastii 400 kiiloomitir (249 mayl) waqooyi ka xigta caasimadda Muqdisho, wax yar ka dib markii ay al-Shabaab si degdeg ah uga baxeen deegaanka.

Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa muddo ku dhow toban sano saldhig u ahayd Al-shabaab; qabashadiisuna waxay dib u dhac weyn ku tahay ururka.

Golaha ayaa sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay colaada ka taagan magaalada Laascaanood. Waxa ay ka codsatay dawladaha Somaliland iyo SCC-Khaatumo in ay ka digtoonaadaan oo ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in colaadda sii dheeraato. Goluhu waxa uu xooga saaray in la difaaco xuquuqda maxaabiista, waxaana ay dalbadeen in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkii ka barakacay dagaalada Sool.

Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood ee u dhaxeeyay beelaha deegaanka iyo ciidamada gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa sidoo kale waxaa si kulul u cambaareeyay saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.

Beesha caalamka ayaa soo saartay bayaan ay ku mideysan yihiin oo ay ku tiri, "Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya maxaabiis badan, waxaana rajeyneynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada, gaar ahaan ilaalinta rayidka iyo kaabayaasha rayidka."

Hadalkan ayaa lagu sheegay in laga falcelinayo shaqaaqooyin u dhexeeya ciidamada Somaliland ee hubaysan iyo maleeshiyo beeleedka loo yaqaan SSC-Khaatumo oo kusii xoogaysanaya magaalada Laascaanood. Waxaa isa soo taraya walaaca laga qabo in dagaalkan uu ku fido hareeraha magaalada.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xilkii ka qaaday Xubno ka mid ah FEIT soona saarey Awaamiir kusaabsan Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bogaadiinta   dadaallada Guddiga FEIT kadib kula dar daarmayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku qaataan shahaadadooda xildhibaannimo, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii xildhibaanada loo dhaarin lahaa si ay u gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu ayaa sheegey in uu la socdo ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo  hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT . Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray 1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay   Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir 2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay  Mudane Xasan Cali Yuusuf Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay  xubnaha kala ah: 1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur 2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed 3. Cabdijabbaar Cabdullaa...

UK oo ugu deeqdey ciidamada Soomaaliya lacag dheeri ah oo dhan £2.3 milyan.

Iyada oo qayb ka ah kaalmada dhinaca amniga ee ay siiso Soomaaliya, dawladda UK ayaa ogolaatay £2.3 milyan oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo ciidamada milateriga Soomaaliya. Kulan ay Muqdisho kula qaadatay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Kati Foster oo ah Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday kaalmadan lacageed. Si Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegto howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS sanadka 2024, UK waxa ay dowladda Soomaaliya kala kaashaneysaa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka. Bishii May, Wasiirka Difaaca UK ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ammaanka dalka iyo xasilloonida gobolka ay sii kordhinayaan dadaallo iskaashi. Wasiirka ayaa sheegay in UK ay ka go’an tahay horumarinta xasiloonida gobolka oo ay ku jirto tan Soomaaliya. The Defence Minister @Amohamednur has on Wednesday met with #UK ambassador to Somalia @KFosterFCDO and discussed security cooperation between the two countrie...

Xiisadaha Siyaasadeed ee Suudaan iyo Diblomaasiyadda Al-Burhan

  Suudaan oo Wajahaysa Isbeddello Siyaasadeed: Maxay Ka Dhigan Yihiin Xiisadaha Diblomaasiyadeed? Hordhac: Dagaal Ka Baxsan Goobaha Milatari Dhibaatada Suudaan ma aha oo keliya dagaal u dhexeeya dhinacyo hubaysan. Waxa kale oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed, loollanka siyaasadeed iyo dadaallada lagu raadinayo mustaqbalka dalka. Qaybta koowaad ee barnaamijka Al Qissa waxay diiradda saaraysaa wararka ku saabsan safarka Abdel Fattah al-Burhan ee Maraykanka, dib u dhigista la soo sheegay ee safarkiisa Riyadh, iyo xiisadaha siyaasadeed ee Port Sudan. Daawo doodda oo dhan halkan: Qaybta koowaad ee Al Qissa . Arrimahan waxay muhiim u yihiin fahamka jihada ay u socoto siyaasadda Suudaan. Xiriirka dibadda wuxuu saameyn ku yeelan karaa wadaxaajoodyada, heshiisyada xabbad-joojinta iyo awoodda dhinacyadu u leeyihiin inay helaan taageero caalami ah. Si kastaba ha ahaatee, warbixin ku saabsan safar dib loo dhigay ma caddaynayso keligeed in xiriir diblomaasiyadeed burburay. Warbixint...

Safiirka JFS ee dalka Masar ayaa la kulmay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira.

Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta magaalada Qaahira ayaa kulan la qaatay Safiirka JFS u fadhiya dalka Masar. Mudane Ilyaas Sheekh Cumar. Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif, Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabaddeyta Qaahira, isagoo kala hadlay arrimooyin dhowr ah. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarrada ay Soomaaliya siiso xaruntan oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha dawlada, iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac iyo labadda shacab. Safiirka ayaa bogaadiyay shaqada ay qabato Xarunta Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Hormar waara. wuxuuna ku ammaanay Masar sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadanayso dib u dhiska Qaranka Soomaaliya.

Privacy Policy