Warbaahinta Maxaliga ah ayaa waxa u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka SCC-Khaatumo in Ciidanka SCC ay la wareegeen Saldhigyada Goojacade iyo Maraaga oo ay hore Ciidanka Somaliland Madaafiic ku garaaceen Magaalada Laascaanood.
“Hadda Saldhigii Goojacade ayaanu ku haynaa, saakana Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa waanu ku guulaysanay, Ciidanka Somaliland waxay u ruqaansadeen dhinaca Gobolada Goodiga, waxaanu yidhi Sarkaalku, “Meesha aanu hadda joogno waxa uu tilmaamayaa Saldhigga ugu weyn ee ay ku leeyihiin Sool, Sanaag, Gobolada Cayn.
Gaadiidkii Ciidanka iyo Maxaabiistii ay SCC-Khaatumo kala wareegtay Ciidanka Somaliland ayaa la soo bandhigay. Magaalada lagu muransan yahay ee Laascaanood, Goojacade waxay ahayd saldhigga ugu weyn ee ciidamada Somaliland.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka saaka aroortii uu labada dhinac ka soo gaaray khasaare lixaad leh. Si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd markii ugu horeysay ee saldhigyadan muhiimka ah si guul leh loola wareego.
Xukuumadda Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo la wada yidhaahdo SCC-Khaatumo, ayaa guul-wadayaashan sheegtay, balse xukuumadda Somaliland weli qoraal kamaysan jawaabin.
Maamullada Somaliland iyo SCC-Khaatumo ayaa Arbacadii shalay midba midka kale ku eedeeyay inay huriyeen dagaal xooggan oo Salaasadii shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee lagu muransan yahay, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aan la sheegin cidda ay ka tirsan yihiin.
Comments
Post a Comment