Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa. Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin: in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 26’aad Guutada 6aad qaybta 60-aad CXDS ayaa howlgal lagu soo saaray miinooyin ka fuliyay wado aad dhinaca Beeraha Magaalada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa howlgalka inta uu socday ku fashiliyey Miino la sheegay in Al-Shabaab ku aaseen wadadaasi aad dhinaca Beeraha Magaalada Buulo-mareer, miinada ayaa la tilmaamay in la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka istimaala wadada.
Taliyaha Ururka 26’aad Guutada 6’aad Qaybta 60’aad CXDS Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada xoogga ay si nabad ah kusoo bixiyeen miinada, isla markaana laga badbaadiyey Shacabka.
Miinadan ayey Shabaabka damacsanaayeen in ku dhibateeyaan Shacabka Beeralayda ah ee ku dhaqan Buula mareer, balse si nabad ah ayey ku soo bixiyeen Miinadii kana badbaadiyey Shacabka”ayuu yiri Taliye Faarax Xiirsi Cabdulle.

Comments
Post a Comment