Skip to main content

Follow

Wararka Maanta

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

30 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay meel u dhow Galcad.

30 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay meel u dhow Galcad.
Weerar lagu taageerayay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhacay bartamaha Soomaaliya ayaa ciidamada Mareykanka waxa ay ku dileen 30 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Qaacida ee Al-Shabab. Sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Diyaaradaha Drones-ka ayaa lala beegsadey meel ku dhow deegaanka Galcad oo 265 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada XDS ay iska caabiyeen weerar ay Al Shabaab ku qaadeen fariisimo ciidan.

Saddex baabuur ayaa la qiimeeyay in la burburiyay, ku dhawaad ​​30 ka mid ah argagixisada Al-Shabaab ayaa lagu qiyaasay inay ku dhinteen howlgallada ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada huwanta ah iyo weerarka is-difaaca ah ee wadajirka ah. Marka la eego goobta uu dagaalku ka dhacay oo fog, talisku waxa uu go'aamiyay in aanay jirin dad shacab ah wax ku noqday ama ku dhintay.

Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen “shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna khatarta badan adduunka” ayaa ah bartilmaameedka qoraalka taliska Mareykanka ee Afrika ee ahaa in iyaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay “taxaddar weyn ka qaataan sidii loo dhimi lahaa khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ayna ka go'an tahay la dagaalanka argagixisa.

Maraykanku waxa uu ka mid yahay dalal badan oo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageera dedaallada joogtada ah ee lagu burburinayo, lagu wiiqayo, laguna cirib tirayo ururrada argagixisada, si dhab ahaan loo ciribtiro xagjirnimada, waxaa lagama maarmaan ah in laga gudbo tillaabooyinka caadiga ah ee militariga, iyadoo laga faa’iideysanayo hindisayaasha Mareykanka iyo saaxiibada. In la taageero maamul hufan, lana dhiirigaliyo horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta, lana soo afjaro colaadaha daba dheeraaday.

Degmada Galcad ee dhawaan la xoreeyay ayaa weerar ay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya. Todobo askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenka guutada Danab ee uu Mareykanku tababaray ayaa sidoo kale lagu dilay “Weerarka xooggan”, hase ahaatee waxaa la sheegay in weerarka Al Shabaab laga guuleystay.

Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay ka dambeysay weerarka, isla markaana ay si mucjiso ah uga awood roonaadeen ciidamadii uu Mareykanka tababaray ee ku sugnaa magaalada, ayna ku dileen in ka badan 150 dagaalyahan. Al Shabaab iyo maamulka ayaa inta badan ka warbixiya khasaaraha kala duwan ee ka dhashay weerarkaas.

Comments

Maant iyo Soomaaliya

Betrayal in the South: The Silent Saudi Invasion Re-Igniting Yemen’s Nightmare

  Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa.  Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen  ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin:  in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...

Uganda iyo Imaaraadka Carabta Oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed iyo Iskaashiga Maalgashiga

  Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa magaalada Kampala ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo arrimaha diblomaasiyadda. Kulankan ayaa daba socda dadaallada joogtada ah ee labada dal ugu jiraan kobcinta xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyadoo Imaaraadka Carabta uu yahay mid ka mid ah saaxiibbada waaweyn ee Uganda ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo maalgelinta kaabayaasha. Xoojinta Iskaashiga Dhaqaale iyo Maalgashi Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo ballaarin lahaa maalgashiga Imaaraadka ee Uganda, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo wax-soo-saarka. Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah dalalka sida weyn u daneynaya suuqyada Afrika, iyagoo maalgelin xooggan ku sameeyay dalal badan oo qaaradda ah, Uganda-na waxay doonaysaa in ay ka faa'iid...

Guddoomiyaha Baarlamaanka Xirshabeele oo magacaabey guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed,  Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle    ayaa magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Luqmaan ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana guddoomiyaha loo magacaabay Xildhibaan Faysal Axmedweli Xasan, halka guddoomiye ku xigeenkana loo magacaabay Xildhibaan Maxamuud Axmed Gacal. Xubnaha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Hirshabeelle. Halkan kaga bogo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Privacy Policy