Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa. Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin: in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...
Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo u hambalyeey Senaterrada lagu doortay Muqdisho ee gobolka Woqooyi.
Raisul wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa fariin hambalyo ah u diray lix ka mid ah Senatarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland oo arbacadan lagu doortay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho. “Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah:- Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Saalax Axmed Jaamac, Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar, Cismaan Abokor Dubbe, Layla Axmed Ismaaciil, Bilaal idiris Cabdullaahi. Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri Raysal wasaare Rooble. Doorashada maanta ka dhacday Teendhada Afisyooni ayaa noqotay mid si weyn uga duwaneed doorashooyinkii horay uga dhacay maamulada qaar, taaso shacabka Soomaaliyeed si aad ah u hadal hayaan gaar ahaa...