Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa. Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin: in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...
Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya oo sheegtey in ay ufuri doonto wadooyinka bulshada gobolka Bakool.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ku qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool oo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan, isla markaana ka qeyb qaadanaya horumarka iyo amniga Gobolka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan doorka haweenka ee amniga iyo horumarka ka dhageystay ururada haweenka gobolka Bakool ee ka qeyb galay shirka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka ayaa ku ammaanay Haweenka Gobolka Bakool sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha Maamulka iyo Amniga. Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Koonfur Galbeed ay ku dadaali doonto sidii ay go’doomiyeen magaalada Xudur. “waxaan idinku amaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen la shaqaynta laamaha amniga si dhibaatada argigixisada looga dulqaado shacabk...