Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2022

Follow

Wararka Maanta

Kashifaadda Dembiyada Suudaan: Baahida Caddaaladda Caalamiga ah

 Sudan waxa uu wajahaya xaalad bani'aadamnimo oo sii xoogeysanaysa, taasoo si joogto ah u soo ifbaxaysa indhaha dunida. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu xanuunka badan ee la ogaaday waa isticmaalka hubka kiimikada ee ciidamada Suudaan ay ku isticmaaleen dadka rayidka ah, taasoo ah xadgudub weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, isla markaana ay si weyn uga hadleen ururada caalamiga ah iyo warbaahinta. Maqaalkii ugu dambeeyay ee The New York Times ayaa iftiimiyay xanuunka, isagoo muujinaya xaqiiqada nolosha ee hoos timaadda hoggaaminta Abdel Fattah Burhan, oo ah madaxda golaha militari ee Suudaan, iyo Ahmed Abdullah, oo mas'uul ka ah warshadaha militari ee Suudaan. Hubka Kiimikada iyo Xasuuqii Wad Madani Hubka kiimikada ayaa caan ku ah awoodda uu u leeyahay inuu si aan kala sooc lahayn ugu faafiyo waxyeello ba'an, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta caafimaadka bini'aadamka. Isticmaalka hubka kiimikada ee ciidamada Suudaan ayaa ah xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamig...

Sababaha dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda dib uga dhacyo badan wajaheysa loo sababeynayaa waxyaabo badan sida shakhsiyaal gaar ah ama danno u gaar ah siyaasiinta qaar. Kadib khilaaf hor leh oo ka dhashay doorashada xildhibaanada federaalka ee ka socota magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ee Jubbaland , ayaa doorashada Soomaaliya ee dib loo dhigay. Qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa ku baaqaya in goobta doorashada loo wareejiyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , iyagoo ku sababeeyay amni darada ka jirta deegaanka iyo saameynta uu ku yeeshay madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adda. Gobolka waxaa gacanta ku haya NISA . Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in “Faragelinta Farmaajo uu ku hayo doorashada deegaanka Gedo” ay dhalisay muran ka dhashay doorashada 16-ka kursi, taasi oo noqotay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee dib u dhigista doorashada welina aan xal loo helin. Doorashada Soomaaliya ayaa lagu waday in ay dhacd...

Soomaliya waxa kajira abaar aad u daran

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Dadka ayaa wax walba ku waayey abaarta, caruurtu waxay u dhintaan nafaqo darro. Xoolaha la dhaqdo ayaa sidokale u dhamaadey biyo iyo baad la’aan. Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus , Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka ( WHO ) ayaa twitarkiisa kuyiri   ‘’Xaalada xun ee Soomaaliya waa mid murugo leh. Wada-hawlgalayaasha waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo ka yimaada beesha caalamka si ay gargaar bini'aadminimo u fidiyaan dadka qarka u saaran macluusha.’’ The dire situation in #Somalia is beyond heartbreaking. @WHO and @UN partners need urgent support from the international community to provide humanitarian aid to the people who are at the brink of dying from starvation. https://t.co/yuG4QvlCiF — Tedros Adhanom Ghebreyesus (@DrTedros) March 29, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday sii deynta 348 qof oo ku xayiranaa dalka Ukraine iyo xuduudaheeda

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay sii deysay 348-qof oo barakacayaal ah oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku xayirnaa dalka Ukraine iyo xuduudaheeda, kuwaasi oo qaarkood loo xiray warqado la’aan.  “ Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo sii deynta 348-qof oo barakacayaal ah oo Soomaaliyeed, kuwaasoo ku xayirnaa dalka Ukraine iyo xuduudaheeda, kuwaasoo qaarkood ku xayiran yihiin warqado la'aan."  "Sidoo kale, ka dib markii ay iska diiwaan galiyeen xiisahooda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lixdan iyo shan arday ayaa la dhigay xarumaha waxbarashada sare ee Hungary ." Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay ku dhiirigelinaysaa ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay jaamacadaha dalka Ukraine ee doonaya inay sii wataan waxbarashadooda meel ka baxsan dalka inay buuxiyaan foom. The Federal Government of #Somalia announced the re...

Guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday Xerada Afisiyooni ayaa lasoo saarey.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble , Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ugu sareysa Hay’adaha ammaanka dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM , wuxuuna amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weeraradii ugu dambeeyay ee argagixisada, amniga doorashada iyo dhacdooyin kale dalka ka dhacey. Mudane Farxaan Cali Axmed Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la sameeyay Guddi isku dhaf ah oo baaritaan ku sameeya weerarkii dhawaan lagu qaaday Xerada Afisiyooni , islamarkaana ay hoos tagi doonaan Ra’iisul Wasaaraha. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray xaalada amni ee doorashada, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar. Danjire Francisco Madiera, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC) ayaa sidoo kale soo jeediyay sida uu uga xun yahay weeraradii ugu dambeeyay ee kooxaha argagixisada ay ka geysteen magaa...

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

MadaxweyneFarmaajo , ayaa Sabtii   kulan la qaatay Duqa magaalada Muqdisho iyo taliyeyaasha ugu sareeya ee amniga dalka oo ay ku jiraan Taliyeyaasha Booliska iyo Milateriga. Waxa uu kula dar daarmay in ay xoojiyaan amniga Caasimadda, isla markaana ay ka feejignaadaan sidii looga hortagi lahaa weerarada argagixisada. Madaxweynaha ayaa yirri “Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha”. President @M_Farmaajo , has on Saturday held meeting with the Mayor of #Mogadishu and country’s top security commanders including Military and Police bosses. He urged them to strengthen the security of the Capital and be vigilant in order to p...

Magaalada Mombasa waxaa ka furmay shirkii 13-aad ee Wasiirada Caafimaadka IGAD.

Dr Workneh Gebeyehu, Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD , ayaa maanta oo Jimco ah si rasmi ah uga furay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Shirka 13-aad ee Wasiirada Caafimaadka IGAD. Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo samayn lahaa isku-dhafan iyo heerar caafimaad oo gobol ahaan la aqbalay taasoo u sahlaysa shakhsiyaadka inay u safraan. “Shirkii Wasiirada Caafimaadka IGAD, waxaan ku nuux-nuuxsaday in mid ka mid ah agabka ugu wanaagsan ee is-dhexgalka sharciyeed uu yahay in waaxda caafimaadku ay hormuud ka noqoto wadaagga xogta si loo gaaro go’aan qaadashada faa’iido u leh dhammaan, sida qaxootiga, barakacayaasha, bulshada martida loo yahay, iyo dadka xuduudka ka gudba,” ayaan ku idhi. Xoghayaha Fulinta IGAD. The 13th #IGAD Health Ministerial Meeting has concluded in Mombasa, #Kenya , on Friday. The meeting focused on common & regionally recognized health standards that will ease the movement of the people. #Somalia pic.twitter.com/EKkrb3NWZZ — SNTV New...

Xildhibaanad Aamina Maxamed iyo qaar kale oo badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Beledweyne.

15 qof oo ay ku jiraan Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Xildhibaan hore Xasan Dhuxul iyo askar ayaa ku dhintay, tiro aan la cayiminna waa ay ku dhaawacmeen qarax argagixisanimo oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle , sida uu sheegay Booliska. 15 people including MP Amina Mohamed Abdi, former lawmaker Hassan Dhuhul and soldiers have been killed and unspecified number wounded in a terrorist bombing in #Beledweyne town of Somalia’s #Hirshabelle State, on Wednesday evening, Police said. #Somalia pic.twitter.com/3DFrsqYtXJ — SNTV News (@sntvnews1) March 23, 2022 Madaxweyn Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Roble ayaa tacsi u direy qoyskii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Xildhibaan Aamina Maxamed oo ku geeriyootay weerarkii fuleynimada ahaa ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweye fiidnimadii Arbacadan. President @M_Farmaajo and Prime Minister @MohamedHRoble have sent condolences to the family and...

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay taageerada Ra’iisul wasaaraha si loo dhameystiro hanaanka doorasho

Larry Andre ayaa xaqiijiyay taageerada Ra’iisul wasaaraha si loo dhameystiro hanaanka doorasho Larry Andre, Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, ayaa si gaar ah u xaqiijiyay in Dowladda Mareykanka ay garab taagan tahay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ku aadan hanaanka doorasho ee dalka ka socda, kaasi oo hadda maraya heer gabo gabo ah. #US Ambassador to #Somalia , Larry Andre has today again emphasised the US support for PM @MohamedHRoble ’s leadership in finalizing the ongoing electoral process in the country. #Somalia pic.twitter.com/7AXk9a9xOX — SNTV News (@sntvnews1) March 22, 2022

Ra’iisul Wasaare Rooble kulan kula qaatay aalada qadka Zoom-ka Wakiillada Beesha Caalamka

Mudane, Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan Zoom ah la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee C6+ oo uu kala hadlay dhameystirka doorashada Golaha Shacabka iyo hirgalinta jadwalka dhaarinta labada aqal e baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar daarmay inay dardar geliyaan deeqaha ay ku bixinayaan gurmadka abaaraha. PM @MohamedHRoble today held a meeting via Zoom with International representatives in Somalia and discussed the completion of elections of House of People & the implementation of its schedule. The PM also urged them to hasten their contributions in the efforts to tackle droughts. pic.twitter.com/zDwdARHezD — SNTV News (@sntvnews1) March 21, 2022

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa fariin u diray guddiyada doorashada.

Ra’iisulWasaaraha XFS ayaa u hambalyeeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo loo doortay Guddiga Doorashada Hirshabelle , isagoo bedelaya Axmed Xasan Diini, waxaana uu farayaa dhammaan Guddiyada Doorashada inay raacaan nidaamka iyo heshiisyada Guddiga Doorashada, si nidaamka iyo kala dambeynta loo ilaaliyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla  Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kula dardaarmay madaxda Jubbaland iyo Hirshabeelle inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo buuxiyaan kuraasta ka harsan Golaha Shacabka . Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Xilka qaadista guddoomiyihii Guddiga Doorahsooyinka SIEIT Hirshabeelle https://t.co/zNPr3QgMqJ — SomaliPM (@SomaliPM) March 20, 2022

Madaxweynaha Maamulka Puntland, oo isku soo sharaxeyo Madaxweynimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland , ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynimada Dowladda Federalka Somaliya. This evening, I am announcing my candidacy for the Presidency of the Federal Republic of #Somalia . I urge all Presidential candidates in Somalia to unite to achieve change. In the next few days, I'll share with you details of my political campaign. pic.twitter.com/iL98BvlOwn — President Said Abdullahi Deni (@SaidAbdullahiDe) March 19, 2022 Waxa sido kale lagu sheegey Telefishanka qaranka Somaliya bartiisa Twitter-ka oo lagu yiri in Madaxweynaha maamulka Puntland Said Abdullahi Deni oo Sabtida isku soo sharixi doono xilka madaxweynimada Dowladda Federaalka Soomaaliya. The President of Somalia’s #Puntland State, @SaidAbdullahiDe has announced that he is running for the presidency of the Federal Government of #Somalia , on Saturday. pic.twitter.com/XQL7IbJDIO — SNTV News (@sntvnews1) March 19, 2022

Shiinaha oo Soomaaliya ugu deeqey shixnado gaadiid dagaal ah

Shalay gelinkii dambe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa ay ka guddoomeen wadanka Shiinaha shixnado gaadiid dagaal ah oo ay ku jiraan kuwa gaashaaman, kuwaasi oo laga keenay dalka Shiinaha.  Gaadiidkan ayaa waxaa lagu wareejiyay Wasiirka Gaashaandhigga Abdulkadir Mohamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Ge. Odawa Yusuf, waxaa ku wareejiyay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao. Military vehicles including Armoured personnel carriers donated by #China to Somali National Army arrived today in #Mogadishu . Chinese Ambassador to Somalia @FeiShengchao has handed over the vehicles to Defence Minister @Amohamednur & SNA Chief, Ge. Odawa Yusuf. #Somalia pic.twitter.com/QFUNCVdKpj — SNTV News (@sntvnews1) March 18, 2022

Mareykanka ayaa u arka in uu cunaqabateyn ku soo rogo afar oo ka mid ah mas'uulliyiinta Soomaalia oo uu kujiro Farmaajo

Mareykanka ayaa si hagar la’aan ah u sugayay in hanaanka dimoqraadiyada Soomaaliya uu ku dhamaado dhibaato la’aan, balse qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira ayaa dib u dhigaya, taasoo keentay in Mareykanka uu ka fikiro in la cunaqabateeyo. Mareykanka ayaa aqoonsaday afar sarkaal oo Soomaali ah oo caqabad ku ah doorashada baarlamaanka , waxaana suuragal ah in maamulka Biden uu kusoo rogo cunaqabateyn. Horaantii bishan ayaa waxaa warbaahinta gobolka ka soo baxayay warbixino kala duwan oo ku saabsan danaha Mareykanka ee doorashada Soomaaliya iyo inta uu diyaar u yahay in la xaqiijiyo in doorashada ay u dhacdo si sax ah. Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Mareykanka ayaa horey ugu dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah saraakiisha qaar waxaana laga yaabaa in hadda wax badan lagu daro. Xoghayaha Arimaha Dibada Antony Blinken ayaa horey u sheegay in cunaqabateynta looga dan leeyahay in lagu abuuro isla xisaabtanka falalkooda carqaladeynta ah. Waxay u badan tahay in maamulka Marayk...

Sacuudi Carabiya ayaa u fureysa Somalia suuqa dhoofinta oo ay ku jiraan xoolaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa dhiggiisa Sacuudiga Faysal Bin Farxaan ku ammaanay sida uu uga dhabeeyay ballanqaadkiisii ​​bishii hore ee ahaa in Suuqa Sacuudiga loo furo Soomaaliya oo ay wax iskudhoofiyaan oo ku jiraan Xoolaha nool. The Foreign Affairs Minister @4rukun has lauded his #SaudiArabia ’s counterpart @FaisalbinFarhan for fulfilling his commitment last month to open up Saudi market to #Somalia ’s exports including livestock. #Somalia pic.twitter.com/5ScMSePMtp — SNTV News (@sntvnews1) March 16, 2022

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa mudeeyay xilliga la dhaarinayo BFS.

Guddiga doorashadaheer federaal ayaa soo saaray jadwalka soo xareynta xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka 11-aad, iyadoo dhaarinta labada gole ee baarlamaanka ay ku beegan tahay 14-ka April 2022. 16-da ilaa 23-ka bishan ayaa lagu wadaa in la soo xareeyo dukumiintiyada xildhibaannada labada aqal, iyadoo la hubinayo 24-da illaa 29-ka bishan, sida uu qorshuhu yahay. Natiijada rasmiga ah ee doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa la soo saari doonaa inta u dhaxeysa 31-ka March ilaa 4-ta bisha April, waxaana la xareyn doonaa dhammaan xubnaha labada aqal ee baarlamaanka.   5-ta ilaa 10-ka bishan April ayaa waxaa Shahaadada Baarlamaanka la siin doonaa dhammaan Xildhibaanada la doortay ee labada Aqal. Soo gudbinta galka xogta xubnaha labada Aqal ayaa loo qorsheeyay April 11.   Ugu dambeyntiina, sida ku cad jadwalka uu maanta soo saaray guddiga doorashada heer federaal, xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in 14-ka bishan April lagu dhaariyo xubnaha labada aqal e...

Ra’iisul Wasaare Rooble, oo la kulmay wakiilada beesha caalamka.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble , Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wakiillo ka socday Beesha Caalamka oo uu kala hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, waxaana kulanka ku wehliyey Guddiga Gurmadka Abaaraha .  Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto Abaaraha Soomaaliya, isagoo u mahad celiyay dalalkii ilaa hadda u soo gurmaday dadka Soomaaliyeed . Khubadda Ra’iisul Wasaare Rooble ee Kulanka Beesha Caalamka ee arrimaha Abaaraha https://t.co/7uqiu7scDz — SomaliPM (@SomaliPM) March 14, 2022

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay miisaaniyada rubuci labaad.

Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu ansixiyay miisaaniyad kumeel gaarka ah oo dhan $206,474,223, taasoo loogu talagalay howlaha shaqo ee dowladda inta u dhexeysa April ilaa June ee sanadkan. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Golaha Wasiirada si faah faahsan u horgeeyay, waxaana uu faah faahin ka bixiyay muhiimada ay dalka u leedahay, iyadoo Golaha Wasiirada ay si buuxda u ansixiyeen Miisaaniyadda rubac labaad si looga fogaado in la carqaladeeyo howlaha dowladda inta dalka ay ka socdaan doorashooyin . Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhacaya iyo sidoo kale isku dayga dowladda ee wax kaqabashada abaaraha dalka. Somali Cabinet of Ministers endorsed on Sunday $ 206,474,223, provisional budget for Government institutions from April to June, 2022. #Somalia pic.twitter.com/9tegpdZ2u...

Guddiga doorashada heer federaal ayaa laga dalbaday 10 qodob ku saabsan xildhibaanada cusub.

Warqad ay si wadajir ah u soo saareen Xoghayeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare C/kariin Buux iyo Cali Maxamed Jaamac, ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxaa lagu weydiiyay 10 qodob oo ku saabsan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya. Labada xoghaye ee baarlamaanka ayaa tobankan qodob ku soo koobay xog muhiim ah oo ay ka codsadeen xildhibaan kasta oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee cusub. Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen labada xoghaye ayaa lagu sheegay in xogta ku jirta galalkan ay muhiim u tahay diiwaangelinta xubnaha cusub. 10-qodob ee laga codsaday guddiga heer federal ayaa kala ah: 1 – Shahadooyinka Xildhibaanada 2 – Shahaado dugsiyeed – aqoontiisa 3 – Sawirka baasaboorka ama warqad kale oo sugeysa aqoonsiga shakhsiga 4 – Afar sawir oo xildhibaan kasta laga rabo 5 – Cadeynta shaqo ka tegidda iyo cadeynta ogolaashaha hey’adda dowladda ee uu ka tirsanaa jiray. 6 – Taariikh nololeedka Xildhibaan 7 – Magaca deegaan doorashad...

Xildhibaan Maxamuud Kuulow oo ku geeriyoodey magaalada Nairobi

Xildhibaan Maxamuud Kuulow oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo bishii hore ee Febraayo lagu doortay magaalada Kismaayo, isagoo ku guuleystay kursiga HOP#079, ayaa Jimcihii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya , kadib xanuun muddo kooban hayay. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. “Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kamid ahaa bulshada dadka waxgalka u ah ee kasoo qeyb qaatay shaqooyin  badan oo ay ugu muhiimsan yihiin arimaha bulshada oo door muuqda uu ku lahaa isagoo kamid ahaa dadka sida weyn u garab istaagay dowladnimada Jubaland wakhtigiisa iyo maalkiisana u huray,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland. Mohamud Kulow, a newly elected member of House of People of Federal Parliament has passed away in #Nairobi , on Friday. The President of Somalia’s #Jubbaland State has sent his heavy-heart...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa wuxuu la kulmay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka Carabta , Cumaan, Baxreyn, Jordan, Yemen, Falastiin, Ciraaq, Marooko, iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Comoros. Wasiirka ayaa sidoo kale uga warbixiyey dhiggiisa arrimaha doorashooyinka dalka ka socda iyo xaaladihii abaareed ee u dambeeyey, isagoo ku booriyey in loo gurmado dadka iyo duunyada Soomaaliyeed. The FM @4rukun has on Wednesday participated in 157th Ministerial Meeting of Ministers of Foreign Affairs of the Arab States in #Cairo , #Egypt . The conference focused on maintaining the peace and stability of Arab countries and strengthening economic integration. #Somalia pic.twitter.com/riUUv311W6 — SNTV News (@sntvnews1) March 9, 2022

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka.

MadaxweynahaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo uu maalmihii la soo dhaafay ku joogay dalka aan walaalaha nahay ee Qatar. Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu Amiir Tamim Bin Xamad kala hadlay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee dowladda Qatar ay kawado Soomaaliya, iyo sidoo kale dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka u ah dhaqaalaha, ganacsiga, iyo horumarinta shacabka ee dalka. Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Waxbarashada Hoose ee Soomaaliya Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee la socday Madaxweynaha iyo dhiggooda Qatar ayaa sidoo kale ka hadlay mustaqbalka iyo mustaqbalka xiriirka labada dal iyo sidoo kale ujeedooyinka la midka ah ee ku aaddan nabadda iyo horumarka gobolka, si loo sii ballaariyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar. President @M_Farmaajo jets back in #Mogadishu after the conclusion of his official visit to #...

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay ciidamada Putland.

Intii lagu guda jiray doorashooyinka dalka , Madaxweynaha Putland ayaa ku bogaadiyay ciidamada Puntland sida joogtada ah ee ay uga go’an tahay sugidda amniga, la dagaalanka argagixisada iyo kordhinta amniga gudaha iyo dibadda Puntland. Mid ka mid ah balan qaadyadii Madaxweynaha , ee ahaa dhismaha iyo xoojinta ciidanka, ayaa la fuliyay, wuxuuna Madaxweynuhu kula dardaarmay ciidamada inay sii laba jibaaraan sugidda amniga. The President of Somalia’s #Puntland State, @SaidAbdullahiDe has on Monday held meeting with region’s top security officials and urged them to strengthen the security and the stability in the State. #Somalia pic.twitter.com/fMhETNkMTf — SNTV News (@sntvnews1) March 7, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo kulan miro dhal ah yeeshay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si diirran ay u soo dhaweeyeen Golaha Amiirada Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ayaa wadahadal miro dhal ah la yeeshay Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani . Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isku afgartay in dowladda Qatar ay dhameysato mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo Soomaaliya iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkeena, isku socodka badeecadaha iyo dadka, horumarinta waxbarashada dugsiyada hoose dhexe iyo sare iyo dib u dhiska dalka.  Ciidamada Qalabka Sida Si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dal, Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamim ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira mustaqbalka xiriirka labada dal iyo weliba danaha guud ee xasilloonida iyo horumarka gobolka.  Sheikh Tamim bin Hamad, Amiirka dalka Qatar , ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa sida ay u aqbaleen martiqaadka ay u fidiyeen, wuxuuna ku bogaadiyay gurma...

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar , halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Casumaad uu ka helay Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha ayaa sahmin doona sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga guuleysta ee dhinacyada maalgashiga, diblomaasiyadda, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. “Booqashada Madaxweynaha waxa ay ku soo beegantay kadib markii MadaxweyneFarmaajo iyo Amiirka Qatar ay wadahadleen, waxaana ujeeddadu tahay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ee labada dal, Qatar waxay door muhiim ah ka tahay dib u dhiska Soomaaliya” Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi, Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada, ayaa ka warbixiyay socdaalka Madaxweynaha. Agaasimaha ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda socdaalka Madaxweynaha ee ...

Soomaaliya iyo Indonesia oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo arrimo muhiim ah.

Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisaciid Cali ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Indonesia Retno Marsudi.  Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal iyadoo la xoojinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo amniga.  Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo hagaajin lahaa xiriirka caalamiga ah. The FM @4rukun spoke with his #Indonesian counterpart @Menlu_RI , on Friday and discussed ways to strengthen & deepen our bilateral relations through increased trade, economic, education & security cooperation. #Somali pic.twitter.com/XfUWKRLlph — SNTV News (@sntvnews1) March 4, 2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya oo la hadley dhiggiisa Hungary, Péter Szijjártó iyo CornelFeruta, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Romania

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa la hadlay dhiggiisa dalka Hungary, Péter Szijjártó. “Waxaa la helay ballan qaad ah in ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashadooda Ukraine uu hakad galay in loo fidin doono in ay sii wataan waxbarashadooda Jaamacadaha Hungary oo hoy la siiyo” ayuu yiri Wasiirka. The FM @4rukun spoke with his Hungarian counterpart, Péter Szijjártó. “ Received reassurances that #Somali students whose studies in #Ukraine have been disrupted will be offered to continue their studies at #Hungarian universities with accommodation provided” the Minister said. pic.twitter.com/DbT11s41QY — SNTV News (@sntvnews1) March 2, 2022 Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ayaa la hadley CornelFeruta, Xog-hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Romania. Waxay ka wada hadleen 40 qof oo Soomaali ah oo ka yimid Ukraine kuwaas oo yimid Romania, waxayna isku raaceen in loo ogolaado inay sii joogaan Romania oo...

Maant iyo Soomaaliya

Through strategic partnerships, the UAE enhances global economic ties with Eurasia, East Africa, and South America.

Targeting approximately $1 billion in trade, the UAE's economic diplomacy drive diversifies commercial connections through extensive transactions with nations in South America, East Africa, and Eurasia, therefore strengthening global partnerships. The United Arab Emirates (UAE) is developing strong alliances and diversifying commercial ties across South America, East Africa, and Eurasia, thereby making amazing progress in its efforts at global economic diplomacy. By means of a sequence of historic agreements and joint ventures, the UAE seeks to surpass $1 billion in two-way commerce, promoting cooperation in sectors including energy, infrastructure, high-tech, and renewable technologies. These projects highlight the UAE's will to improve economic ties and investigate fresh prospects all around. East Africa: With an eye toward development and expansion East Africa is the primary focus of the UAE's economic diplomacy efforts. The UAE has signed a major contract with Uganda...

Mukhtaar Roobow ayaa shacabka ugu baaqay in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaan jiray Al Shabaab , haddana ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay garab istaagaan dowladdooda iyo ciidankooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in haddii taasi la sameeyo ay joojineyso weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka. Wasiir Roobow oo hadalkiisa sii wata ayaa kula dar daarmay cid walba in ay iska kaashadaan sidii ay naftooda iyo maalkooda u difaaci lahaayeen, si loola dagaalamo Al-Shabaab. Shacabka Hiiraan iyo Galmudug ayuu ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay. Habeenimadii Axadda ayaa Wasiirka iyo Culimaa’udiinka kale oo ka hadlay Barnaamij ka baxay TV-ga Qaranka Soomaaliyeed waxay cambaareeyeen weerarkii Xayaat, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof, 117 kalena ay ku dhaawacmeen. Habeenimadii Jimcaha, argagixisada Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Hotelka Hayat ee magaalada Muqdisho, kaasoo ku bilowday laba ...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay shirka TICAD ee kadhacaayoTunis

Habeenimadii Jimcaha, mudane Xamza Cabdi Barre, Ra'iisul Wasaaraha ayaa gaaray Tunis, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Imed Memmich, Wasiirka Difaaca Tunisia. Barre ayaa ku sugnaan doona caasimadda Tunisia 27-ka iyo 28-ka Ogosto si uu uga qeyb galo shirweynaha toddobaad ee Tokyo ee caalamiga ah ee horumarinta Afrika (TICAD). Ku dhawaad ​​50 siyaasiyiin Afrikaan ah, 200 oo ka socda bulshada rayidka ah ee Afrikaanka ah iyo wakiillada NGO-yada, 108 madax oo ka socda ururrada gobollada iyo kuwa caalamiga ah, iyo 120 hoggaamiyeyaal ganacsi iyo warshadeed ayaa la filayaa inay ka soo qaybgalaan. Shirka ayaa lagu wadaa in Barre uu khudbad ka jeediyo. Tan iyo markii uu bilowday cudurka faafa ee caalamiga ah, kani wuxuu noqon doonaa kulankii ugu horeeyay ee caalami ah oo ay yeeshaan wada hadalo heer sare ah oo u dhaxeeya Japan iyo wadamada Afrika . Magaalada Yokohama ee TICAD 7 ee sanadka 2019, hogaamiyayaasha Afrikaanka iyo madaxda Japan ayaa kulan ugu dambeeyay ku yeeshay. Dowladda Jap...

Ciidanka Danab oo dilay horjoogihii Jabhadaha Hiiraan iyo 60 dhagarqabe

Horjoogihii Jabhadaha ee argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo 60 dhagarqabe oo kale ayaa maanta lagu dilay howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ay ka fuliyeen deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga, Shiinaha iyo Burcadheer oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya . Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan ayaa hoggaaminayey howlgalkaan oo ururka 7-aad ee kumaandooska Danab ay fuliyeen, ciidanka ayaa burburiyey xarumo qaraxyada ay ku farsameyn jireen Nabadiidka Al-Shabaab , sidoo kalena ay dadka shacabka ah uga uruursa jireen lacago baad ah. Updates: Over 60 Alshabab terrorists were killed in a planned security operation conducted by #Somali National Army with support of airstrikes of Somalia’s security partners in Fiidow village of #Hiiraan region on Tuesday, SNA chief Ge. Odawa Yusuf confirmed to State Media. pic.twitter.com/ckpCpzlnMC — SNTV News (@sntvnews1) February 22, 2022

Privacy Policy