Inkastoo dunidu ay aaminsaneyd in xabad-joojin jilicsan ay Yemen isku hayso, bishii Janaayo 2026 ayaa burburisay rajadaas. Magaalada dekeda ah ee Mukalla ee Koonfurta, oo mar ahaan jirtay meel ka nabdoon jiidaha dagaalka ee waqooyiga, ayaa hadda gubanaysa. Duulaanka Sacuudiga ee Koonfurta Yemen ayaa si dhab ah u furay bog cusub oo dagaalka ah, isagoo badalay xulafadii hore oo beegsanaya saaxiibadiisii hore. Tani ma ahan oo kaliya dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta; waa duulaan toos ah oo militari oo lagu qaaday Koonfurta, waxaana qiimaha bixinaya dadka rayidka ah. Iyadoo beesha caalamku ay indhaha ka laabanayso, cunaqabataynta bini'aadamnimo ayaa sii xumeynaysa xaaladda dadka ugu nugul. Go'doominta Gaajada: Hubka Dagaalka Laga soo bilaabo horraantii 2026, xogta la helay waa mid aan la inkiri karin: in ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Yemen ayaa wajahaya cunto yari ba'an . Tani ma ahan masiibo dabiici ah; waa masiibo uu bani'aadamku sameeyay oo ay wadaan xannibaa...
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ammaanka la adkeeyay.
Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ay la socdaan dadweyne aad u badan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada . Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu xardhay boorar ay ku xardhan yihiin sawirrada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waddooyinka lagu qurxiyo. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada ayaa isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya. Wafdigan oo horudhac u ah, ayaa waxaa shalay Baydhabo gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada, Xildhibaano , iyo mas’uuliyiin kale. PICTURES: #Baidoa town of Somalia’s #Southwest State is getting ready to welcome President @HassanSMohamud as the city will be the first place the President to visit since his re-election on 15th May. #Somalia pic.twitter.com/VI5NB0ciyd ...