Xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa gashay weji cusub ka dib markii dowladda Masar ay soo saartay digniin xooggan oo ku aaddan dhaqdhaqaaqyada u dhexeeya Israa’iil iyo gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland. Qaahira ayaa si rasmi ah u sheegtay in xiriirka soo koraya ee u dhexeeya Tel Aviv iyo Hargeysa uu ka dhigan yahay khatar weyn oo dhanka amniga ah, taas oo carqaladayn karta mid ka mid ah marinnada biyaha ee ugu muhiimsan caalamka. Isjiid-jiidkan diblomaasiyadeed ayaa muujinaya walaaca qotoda dheer ee ay Masar ka qabto saameyn kasta oo shisheeye oo wax u dhimi karta madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya ama amniga Badda Cas. Khatarta ku Waajahan Deganaanshaha Gobolka iyo Sharciga Caalamiga ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa dhowaan ku adkeeyay in tallaabooyinka hal dhinac ah ee lagu doonayo in lagu soo rogo xaqiiqooyin siyaasadeed oo cusub iyadoo laga gudbayo hab-raacyada sharciga ah aan marnaba laga aamusnaan doonin. Qaahira waxay u aragtaa is...
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxweynaha JFS oo khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho , wuxuuna shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay inay la shaqeeyaan ciidamada, sharcigana la ilaaliyo. Madaxweynaha, ayaa Ciidamada Qalabka Sida ku bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay naftooda ugu hurayaan suggida ammaanka habeen kasta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladdiisa cusub ay ka go’an tahay sidii ay u sugi lahayd ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan dalka intiisa kale, iyadoo tallaabo adag laga qaadi doono kooxaha argagixisada ah iyo burcadda hubeysan ee dhibaatada u geysta shaqsiyaadka. Madaxweynaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in waalidiintu ay ka daba tagaan kooxihii carruurta u soo qaaday weerarka ka dib markii ciidamada ay xireen. Madaxweynaha ayaa waalidiinta iyo sidoo kale laamaha amniga ku adkeeyey in qof dambiile ah aan loo radinin qabiil ee sharciga la horkeeno. BNSomalia: Madaxweyne Xasan Sheekh oo war...