Khatarta ka dhalatay Xiritaanka Marinka Hormuz iyo Saamaynta Suuqa Shidaalka Go’aanka ay dowladda Iiraan ku dhowaaqday ee ku aaddan in la xiray Marinka Hormuz ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo baqdin weyn oo laga qabo inuu khalkhal xooggan galo suuqa tamarta ee caalamka. Marinkani waa halbowlaha ugu muhiimsan ee loo maro dhoofinta shidaalka iyo gaaska dunida, waxaana maalin walba mara qiyaastii boqolkiiba labaatan ee sahayda shidaalka caalamka laga isticmaalo. Tallaabadan ay qaadeen ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa timid xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhaxaysa quwadaha reer Galbeedka, taas oo keentay in maraakiibta shidaalka qaada ay bilaabaan inay ka baaqsadaan maraan halkaas iyagoo ka cabsi qaba weeraro ama in la qafaasho. Saamaynta Dhaqaalaha iyo Qiimaha Shidaalka ee Dunida Khatarta ugu weyn ee ka dhalanaysa xiritaanka marinkan ayaa ah sare u kaca degdega ah ee ku imaanaya qiimaha shidaalka cayriin ee suuqyada caalamka, maadaama yaraanta sahaydu ay hors...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska, isagoo xilka kala wareegay Hogaamiyihii hore ee xilka ka degay Maxamed Xuseen Rooble. Shaqada ugu horeysa ee laga rabo Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ah in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo tayo leh oo wax badan ka qaban doona xaalada cakiran ee dalka ka jirta iyo muhiimada uu leeyahay maamulka cusub. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ansixiyeen 25 xildhibaan kadib markii uu Madaxweynaha u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Somalia’s 21st Prime Minister @HamzaAbdiBarre is discharging his duties his first day in the office as Prime Minister. #Somalia pic.twitter.com/qC2upyGR67 — SNTV News (@sntvnews1) June 29, 2022